27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

DENI oo markii ugu horeysay qirtay in maamulkiisa uu…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay qirtay in maamulkiisu uu dayacay ka hortagga ururka Daacish, taas oo keentay in kooxdaasi ay sanadihii dambe awood weyn ku yeelato qaybo ka mid ah deegaanada Puntland.

Inkastoo maamulka uu dagaal adag la galay kooxda, haddana Deni ayaa qirtay in jilicsanaanta xuduudaha ay sababtay in kumannaan dagaalyahan oo ajnabi ah, oo uu ku sifeeyay dambiilayaal iyo dilaa, ay si fudud uga soo dageen dekedaha, xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha ee maamulka.

“Kumannaan qaatil oo ajnabi ah ayaa si sahlan dhulkeenna ku soo galay, waxayna addoonsadeen dadkeennii. Dayacaas masuuliyaddiisa waa mid dowladda saaran, bulshada caadiga ahna laguma eedeyn karo,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay hadda dhiseyso ciidamo booliis ah oo si casri ah u qalabeysan, kuwaas oo ilaalin doona meelaha laga soo galo maamulka, si looga hortago in xubno kale oo argagixiso ah ay soo galaan.

Howl-galka Calmiskaad

Madaxweyne Deni ayaa isagoo ka hadlayay dagaalka lagula jiro Daacish, tilmaamay in ciidamada Puntland muddo sanad ah ay ku jireen howlgal joogto ah oo lagu wiiqayo awoodda ururkaas.

Wuxuu sheegay in qorshuhu hadda marayo heer gabagabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ay ku xoogganayd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan la sheegay inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish, maamulka Puntland wuxuu sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsanaa kooxdaas. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howlgalkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Dagaalyahannadan ayaa ka kala yimid qaaradaha Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Inta badan dagaalyahannada ajnabiga ah waxay dalka ku soo galeen si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraleyda Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taasi waxay ka dhigan tahay tiradii ugu badnayd ee dagaalyahano ajnabi ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News