25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Sirdoonka Jubaland oo yeeshay xarun casri ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Jubaland (JISA) oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo.

Madoobe ayaa munaasabadda furitaanka waxaa ku weheliyay wasiirka amniga gudaha Yusuf Xuseen Cusmaan, agaasimaha hay’adda JISA, Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha ciidanka Darawiishta Jubaland, General Ismaaciil Saxardiid.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta cusub, taas oo si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu hirgeliyay kharash ka yimid canshuurta shacabka reer Jubaland, sida ay sheegtay madaxtooyadda Jubaland.

Talaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay “muujineysa sida dowladdu ugu heellan tahay adeegsiga kheyraadka gudaha iyo daahfurnaanta maamulka.”

Sidoo kale, wuxuu amaanay shaqada baaxadda leh ee ay hayaan howl-wadeenada hay’adda JISA, kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Jubaland, isagoo xusay in ay JISA tahay mid kamid ah hay’adaha amni ee ugu hufan Geeska Afrika.

Axmed Madoobe ayaa xusay in shaqada JISA ay ka turjumeyso dadaal iyo isbeddel muuqda oo ay dadweynuhu dareemeen, maadaama muddo dheer la dhisayay hay’adda si ay u noqoto tiir adag oo amni iyo sirdoon ah.

Hoggaamiyaha Jubaland ayaa ugu dambeyntiina si gaar ah ugu mahad-celiyay hoggaanka iyo maamulka hay’adda, gaar ahaan agaasime Maxamed Sabriye, oo uu ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni iyo daacadnimo uu kaga miro-dhaliyay waajibaadka hay’adda.

- Advertisement -

Read more

Local News