25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

NISA oo fulisay howlgal culus oo lala beegsaday Al-Shabaab + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa goordhoweyd faah-faahin kasoo saartay howl-gal qorshaysan oo ciidankeedu ka fuliyay deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howl-galkan oo dhacay xalay ayaa lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Howl-galka waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay cadowgu ku dhuumaaleysanayeen.

Howl-galka oo dhacay seddax mar oo kala duwan oo isla xalay ah ayaa kan koowaad lagu beegsaday teendho ay maleeshiyaad ku jireen, taas oo sababtay dhimashada saddex xubnood oo Shabaab ah.

Howl-galka labaad oo daqiiqado uun ka dambeeyay ayaa lagu soo afjaray nolosha afar dhagarqabe oo kale, sida ay sheegtay hay’adda NISA.

Sidoo kale, beegsiga saddexaad oo ahaa kan ugu dambeeyay ayay hay’adda sheegtay in lagu gubay gaadiid dagaal oo ay Al-Shabaab halkaas ku diyaariyeen, si ay ugu qaadaan maleeshiyaadka ay abaabulayeen.

Ciidanka hay’adda NISA ayaa qaaday hawl-galkaan kaddib markii la sugay xog sirdoon oo muujinaysay dhaq-dhaqaaqyo Shabaab watay gaadiid dagaal ka sameynayeen deegaanka Kuukaayle oo hoostaga degmada Maxaas.

“Xogta oo loo beddelay howl-gal ayaana suurtagalisay in halkaas lagu soo afjaro Khawaarijtii abaabulka wadday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA)

Howl-galkan ayey hay’addu sheegtay inuu kusoo dhammaaday si guul ah, iyadoo caddeysay sida ay uga go’an tahay in meel kasta lagu beegsado Shabaabka ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News