28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Is-beddel weyn oo ku yimid dhaqaalaha Soomaaliya kadib go’aankii Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Joojintii hawlaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ee horaantii sanadkan ayaa dhaawacday kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna hoos u dhigtay dakhligii dowladda, sida ay Talaadadii sheegtay madaxa Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Soomaaliya, waxay si weyn u saamaysay wax-soo-saarkeena guud (GDP),” ayay madaxa bankiga Hodan Cusmaan ka sheegtay shirka Financial Times Africa Summit ee London. Waxay intaa ku dartay in hakadka gargaarku uu saameeyay suuqyada uuna hoos u dhigay dakhligii canshuurta iibka in ka badan intii ay saraakiishu filayeen.

Xiritaanka USAID ayaa daba socotay dhimis ballaaran oo lagu sameeyay gargaarka dibadda ee Mareykanka, taasoo uu amray Madaxweyne Donald Trump. Tallaabadan ayaa qayb ka ahayd dib-u-waajihid ballaaran oo lagu sameeyay kharashaadka horumarinta, taasoo carqaladaysay barnaamijyo caafimaad, waxbarasho, iyo dhaqaale oo dunida oo dhan ka socday.

Soomaaliya waxay si gaar ah ugu nugushahay saamaynta noocan ah. Deeqaha iyo taageerada dibadda ayaa muddo dheer tiir-dhexaad u ahaa kharashaadka dowladda iyo qaybo ka mid ah hawlaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.

In kasta oo Muqdisho ay ka shaqaynayso ballaarinta salka canshuuraha, haddana ka bixitaanka degdegga ah ee deeq-bixiyeyaashu waxay hoos u dhigtaa dalabka, waxayna si dhakhso ah uga dhex muuqataa diiwaannada dakhliga billaha ah.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixisay in dakhliga gudaha uu ka kordhay $329.5 milyan sanadkii 2023 illaa $369.4 milyan sanadkii 2024, waana horumar nugul marka uu yaraado isticmaalka badeecadaha.

Dowladda ayaa sidoo kale dhaqan-gelisay canshuur iib oo ah 5% magaalada Muqdisho bishii Agoosto 2024, si loo xoojiyo dakhli ururinta. Taasi waa sabab kale oo keentay in hoos u dhac ku yimaada wax-isticmaalka uu si toos ah u saameeyo miisaaniyadda.

Ganacsatada ayaa muddo kooban ka banaanbaxay canshuurtan sanadkii hore, arrintaasoo muujinaysa daciifnimada soo kabashada iyo muhiimadda ay leedahay inuu jiro dhaqdhaqaaq dhaqaale oo joogto ah si dakhli ururintu u sii socoto.

Hay’adaha deymaha bixiya ee caalamiga ah ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumarisay fulinta miisaaniyadda iyo maamulka dakhliga, balse waxay ka digeen in dalku uu weli si weyn ugu tiirsan yahay maalgelinta dibadda.

Qiimeyn ay sanadkan samaysay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa lagu xusay in dakhliga gudaha uu gaaray $369 milyan dhammaadkii 2024, taasoo ka sarreysa bartilmaameedyadii barnaamijka. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado dib-u-habaynta, xilli ay jirto xaalad maal-gelineed oo adag.

Fariinta Hodan Cusmaan ee Talaadadii ayaa ahayd mid cad: luminta doollarka horumarinta ee Mareykanka ma ahan oo kaliya farqi xisaabeed. Waa saamayn culus oo dhex martay silsiladaha saadka iyo goobaha ganacsiga, taasoo hoos u dhigtay iibka, soona ciriirisay salka canshuuraha ee dowladda ee hore u koobnaa.

Waa cadaadis sii jiri kara haddii aan la helin maalgelin kale ama aanu kordhin maalgashiga gaarka loo leeyahay.

- Advertisement -

Read more

Local News