28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Baasaboorka Mareykanka oo qiimo-dhac aad u weyn uu ku yimid iyo sababta keentay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah, Mareykanka ayaa ka baxay liiska tobanka baasaboor ee ugu awoodda badan caalamka, taasoo muujinaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid dalka quwadda koowaad ee caalamka ah.

Sida ku cad qiimeyntii ugu dambaysay ee Henley Passport Index, oo ah qiimeyn lagu cabbiro inta waddan ee qofka socotada ahi ku booqan karo fiiso la’aan, baasaboorka Mareykanka ayaa hadda galay kaalinta 12-aad ee caalamka. Waxa uu kaalintaas la wadaagaa dalka Malaysia.

Sanadkii hore oo kaliya, Mareykanku wuxuu ku jiray kaalinta toddobaad, ka hor inta uusan u dhicin kaalinta 10-aad bishii Luulyo ee sanadkan. Toban sano ka hor, wuxuu ku jiray kaalinta ugu sarreysa liiska.

“Awood-darrida sii kordhaysa ee baasaboorka Mareykanka tobankii sano ee la soo dhaafay ma ahan kaliya is-beddel ku yimid kala-sarreynta, balse waxay muujinaysaa isbeddel aasaasi ah oo ku yimid dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah iyo habka awoodda jilicsan,” ayuu yiri Christian H Kaelin, oo ah guddoomiyaha Henley & Partners ahna abuuraha qiimeyntan, oo soo saaray war-saxaafadeed.

“Waddamada qaata furfurnaanta iyo iskaashiga ayaa horumar samaynaya, halka kuwa ku tiirsan mudnaantii hore ay dib u dhacayaan.”

Waddamada Aasiya ayaa hadda haya kaalmaha ugu sarreeya. Singapore ayaa hoggaaminaysa iyadoo fiiso la’aan lagu aadi karo 193 dal, waxaana ku xiga South Korea oo 190 dal ah, iyo Japan oo 189 dal ah.

Shirkadda Henley & Partners, oo fadhigeedu yahay London kuna takhasustay la-talinta jinsiyadaha iyo deganaanshaha, ayaa soo ururinaysay qiimeyntan muddo ku dhow 20 sano, iyadoo isticmaalaysa xogta Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah (International Air Transport Association).

Hoos u dhacan ayaa ku soo beegmay xilli ay jireen siyaasado adag oo socdaalka iyo safarrada Mareykanka ah ee maamulkii Trump. Siyaasadahaas oo markii hore lala beegsanayay tahriibta, ayaa markii dambe lagu ballaariyay tallaabooyin adag oo ka dhan ah dalxiiska, shaqaalaha ajnabiga ah iyo ardayda caalamiga ah.

Is-dhaafsiga (Reciprocity) ayaa qayb weyn ka qaata kala-sarreynta waddan, sida ay xustay Henley & Partners. Waxay tilmaantay in inkasta oo dadka haysta baasaboorka Mareykanka ay hadda fiiso la’aan ku aadi karaan 180 dal, haddana Mareykanka laftiisu uu ogol yahay oo kaliya 46 jinsiyadood oo kale inay xuduudihiisa soo galaan fiiso la’aan.

Isbeddellada dhowaan lagu sameeyay gelitaanka dalalka ayaa qayb ka qaatay hoos u dhaca qiimeynta guud ahaan. Bishii Abriil, dalka Brazil ayaa joojiyay gelitaanka fiiso la’aanta ah ee muwaadiniinta Mareykanka, Canadians-ka iyo Australians-ka, isagoo ku sababeeyay is-dhaafsi la’aan.

Waddamo kale ayaa ballaariyay ka-dhaafitaanka fiisaha, laakiin kuma aysan darin Mareykanka. Tusaale ahaan, China iyo Vietnam, waxay Mareykanka ka saareen liisas cusub oo la ballaariyay oo ay ku jiraan waddamada u qalma dalxiiska fiiso la’aanta ah.

Sida ay sheegtay Henley & Partners, waddamada siiya muwaadiniintooda xorriyad safar oo ballaaran, balse xaddidaya gelitaanka fiiso la’aanta ah ee dadka kale, sida Mareykanka, Canada, Australia iyo New Zealand, ayaa arkay awoodda baasaboorkooda oo fadhiid noqotay ama hoos u dhacday sannadihii la soo dhaafay.

Hoos u dhacan weyn ee qiimeynta ayaa kicinaya rabitaanka dhalasho laba dal ee ka dhex jira dadka Mareykanka, sida ay sheegtay shirkaddu. Taasi waxay muujinaysaa in dhalashada Mareykanka oo kaliya aysan hadda ahayn maqaamkii awoodda weyn ee ay ahaan jirtay.

“Sannadaha soo socda, dad badan oo Mareykan ah ayaa qaadan doona jinsiyado dheeri ah si kasta oo ay ku heli karaan,” ayuu yiri Peter J Spiro, oo ah borofisar sharciga ka dhiga Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Temple (Temple University Law School.

“In la qaato jinsiyado badan waxay noqonaysaa wax caadi ka ah bulshada Mareykanka.” In kasta oo ay taasi noqon karto buunbuunin yar, sida uu qof baraha bulshada wax ku qoray uu dhawaan u dhigay, “dhalashada laba dal waa riyada cusub ee Mareykanka.”

- Advertisement -

Read more

Local News