Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi uga hadashay dhaqan-galka go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa), iyadoo qirtay in go’aankani uu saameyn ku yeeshay socdaalka Somaliland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa lagu sheegay in culeyska arrintaan ay dareemeen dadka ka imaanaya Mareykanka, Canada iyo Yurub, iyadoo la waydiinayo nidaamka Dowladda Federaalka ee e-Visa.
Wasaaradda ayaa caddeysay in ay xiriir la sameysay dhinacyada ay quseyso arrintaan, waxayna si adag uga digtay in la siyaasadeeyo, taasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn looga fal-celiyay gudaha Somaliland.
“Maadaama arrimaha duulimaadyada iyo adeegyadda madaaradddu ay yihiin kuwo farsamo oo leh shuruuc iyo hab-raacyo caalami ah oo loo maro nidaamyo gaar ah, uma baahna siyaasadayn, hadal-tiro iyo gole-ka-fuul toona, talo iyo tilmaamidna ugama furna kuwii eelka dhigey ee gacantaooda ku wareejiyay Hawada Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Duulista Hawada.
Qoraalkan ayaa u muuqday in qeybo kamid ah si toos ah loogu jawaabayay Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kaah, Maxamuud Xaashi oo dhawaan si weyn ugu dhaliilay xukuumadda Somaliland arrintaan, kadib markii uu sheegay in uu si dirqi ah uga badbaaday in e-Visaha Soomaaliya u jarto Somaliland.
Guddoomiye Maxamuud ayaa Isniintii sheegay in dhawaan garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.
“Dubai ayaa laygu weydiiyey dal-ku-galka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, muran ayaan ku dhaafay, maanta waa la sii adkeeyey, xukuumaddeenna Somaliland ka aqbali mayno arrintaas waan ku dhaliilaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Kaah.
Maxamuud Xaashi ayaa hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan, oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.
Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah, midka e-Visa ee dowladda federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay. Kan e-Visa ayaa marka hore laga rabaa in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.
Somaliland iyo Puntland ayaa u arka go’aanka cusub ee dowladda federaalka mid looga leexsanayo lacago ay hore u qaadi jireen maamulladan. Inkastoo tani ay kordhinayso culayska dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool.