Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa la filayaa in maanta ay u ambabaxaan magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah.
Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay safarka Xasan Sheekh ee dalka Masar, halkaas oo ay isku arki doonaan dhiggiisa Cabdulfataax Al-Sisi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada caasimada ah ee Qaahira uga qayb-geli doono daahfurka matxafka weyn ee Faraaciyiinta (Grand Egyptian Museum), oo ah goob lagu keydiyay taariikhda iyo dhaxalka ilbaxnimada aadanaha.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Flastin, Jabbuuti, Eretariya iyo madax kale oo lagu casuumay madasha.
Madaxweyne Xasan Sheekh aya inta uu joogo Masar lagu wada inuu kulan gaar ah la yeesho Cabdulfataax Al-Sisi, iyaga oo ka wada-hadli doono iskaashiga labada dal oo sii xoogeysanaya, maadaama Masar ay qayb ka noqotay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Ciidamada Masaarida ayaaa qorshuhu yahay in dhawaan ay soo gaaraan dalka, waxaana kol hore lasii diyaariyay goobaha ay dagi lahaayeen oo kormeer qiimeyn ah lagu sameeyay.
Dhaq-dhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar ayaa muddooyinkan sii xoogeysanayay, kadib markii Muqdisho ay garab istaag buuxa ka heshay Qaahira, xilli ay is wajahayeen xukuumadda Addis Ababa oo soo damaacisay biyaha Soomaaliya.
Masaaridu si guud cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda federaalka waa jiray, hayeeshee labada dhinac ayaa haatan qaaday tallaabooyin sare loogu qaadayo iskaashigooda.

