Muqdisho (Caasimada Online) — Koox amni oo hubeysan ayaa iska caabisay weerar ay burcad-badeed Soomaali ah ku qaadeen markab kiimiko sida subaxnimadii hore ee Isniinta, ka dib markii ay kooxo hubeysan oo doon yar saarnaa ay rasaas ku fureen meel aad uga fog xeebta Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.
Dhacdadan ayaa dhacday 02:20 UTC, meel qiyaastii 332 mayl-badeed u jirta bariga caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UK Maritime Trade Operations – UKMTO).
Afduubkan fashilmay ayaa soo cusbooneysiiyay cabsida laga qabo soo rogaal-celinta burcad-badeedda Soomaalida. Shirkad amni ayaa markii dambe ku magacowday markabka inuu ahaa Stolt Sagaland.
Sida ay sheegtay UKMTO, kabtanka markabka ayaa soo sheegay in afar qof oo aan fasax u haysan oo saarnaa doon yar ay isku dayeen inay soo koraan. Doonta, oo midabkeedu ahaa caddaan iyo cawl, ayaa laga soo diray “markab weyn oo hooyo ah” oo ku sugnaa meel u jirta qiyaastii shan mayl-badeed, ayaa lagu yiri warbixinta.
Ka dib markii uu markabku ka hortagay kooxdii soo weerartay, “dableydii waxay ku laabteen markabkii weynaa ee hooyada ahaa,” ayay UKMTO ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
Kooxda amniga ee markabka ayaa riday rasaas digniin ah. “Dhammaan shaqaalihii markabka waa bad-qabaan, waxayna ku sii jeedaan dekeddii xigtay ee ay ku socdeen,” ayay hay’addu intaa ku dartay. “Mas’uuliyiinta ayaa wada baaritaan.”
Markabka oo la aqoonsaday
Shirkadda amniga badda ee Vanguard, oo bixisay kooxda amniga hubeysan (AST), ayaa xaqiijisay in markabku ahaa Stolt Sagaland.
Vanguard waxay sheegtay in doon yar ay ka soo dhowaatay dhinaca midig ee markabka ayna “rasaas furtay.” Kooxda AST ee saarnayd markabka ayaa “si wax ku ool ah uga jawaabtay,” iyagoo ka hortagay weerarka, ayay shirkaddu tiri. Shaqaalaha markabka ayaa sidoo kale kiciyay qaylo-dhaanta, kordhiyay xawaaraha, ayna sameeyeen dhaqdhaqaaqyo xeeladeysan.
“Xarunta Vanguard MAC waxay isla markiiba la xiriirtay maraakiibta ay bah-wadaagta yihiin ee ku sugan aagga, waxayna faahfaahinta u gudbisay UKMTO iyo MSCIO,” ayay shirkaddu intaa ku dartay, iyadoo ula jeedda Xarunta Amniga Badaha ee Geeska Afrika (Maritime Security Centre – Horn of Africa).
Waqtigii ay burcad-badeedda Soomaalidu ugu xoogganayd intii u dhaxaysay 2008 iyo 2011, aafadan waxay dhaqaalaha adduunka ugu kacday balaayiin doolar sanad walba. Waxay horseedday boqollaal afduub, sida uu sheegay Bankiga Adduunka.
Hawlgallo isku dubaridan oo ay ciidamada badda caalamku sameeyeen— oo ay ku jirto hawlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR— iyo adeegsiga ballaaran ee ilaalada hubeysan ee gaarka loo leeyahay ayaa markii dambe si weyn hoos ugu dhigay weerarrada. Laakiin, xasilooni darrada gobolka iyo adeegsiga doonyaha la afduubtay ee loo isticmaalo “maraakiib hooyo” ayaa weli halis ku haya badhtamaha Badweynta Hindiya, sida ay ka digayaan falanqeeyayaasha amniga badaha.
Ciidanka Midowga Yurub oo kordhiyay heerkii halista
Hawlgalka ciidanka badda ee Midowga Yurub, EUNAVFOR ATALANTA, ayaa tan iyo markaas “heerka halista gaarsiiyay meeshii ugu sarreysay,” ayay tiri Vanguard.
Ciidanku wuxuu qiimeeyay in “Koox Hawlgal Burcad-badeed (PAG)” ay firfircoon tahay. Digniintan ayaa timid ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday markabka kiimikada, waxayna tilmaamaysaa in kooxdu “laga yaabo inay xiriir la leedahay doontii Iiraaniyiinta ee la afduubtay toddobaadkii hore.”
EUNAVFOR waxay u xilsaartay sahan dhinaca hawada ah inay baarto aagga, ayay Vanguard raacisay.
Afduubyo isdaba joog ah oo ay muwaadiniin Soomaali ah u geysteen doonyo sanadkan ayaa muujinaya suurtagalnimada inay sii kororto halista lagu hayo maraakiibta caalamiga ah.
Burcad-badeeddu waxay u adeegsadaan maraakiibtan waaweyn sidii maraakiib hooyo si ay uga diraan doonyo yaryar oo dheereeya— taasoo ah xeelad u kordhinaysa baaxadda ay ka hawlgeli karaan isku dayada afduubka boqollaal mayl-badeed oo xeebta u jira.
Habkaas wuxuu caan ahaa xilligii uu sarreeyay afduubku intii u dhaxaysay 2008-2011, taasoo keentay jawaab celin ballaaran oo isugu jirtay mid milatari iyo mid sharciyeed oo caalami ah. Boqollaal weerar oo dhacay muddadaas ayaa horseeday afduubyo guuleystay, iyadoo shaqaalihii inta badan lagu hayn jiray xeebta si madax furasho looga qaato xaalado aad u liita.
Dhacadan ugu dambaysay— burcad-badeed Soomaali ah oo weerartay markab kiimiko sida— waxay hoosta ka xariiqaysaa halista joogtada ah ee ka jirta mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee adduunka ugu muhiimsan, in kasta oo in ka badan toban sano ay jirtay xaalad degganaan ah.

