26.9 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Dagaalka Suudaan oo weji cusub yeeshay: Turkey & Masar oo la loolamaya Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) — Ilo wareedyo ayaa sheegaya in isbahaysi naadir ah oo dhex maraya Masar iyo Turkey oo ku aaddan Sudan uu soo ifbaxayo, kaasi oo looga gol leeyahay in looga hortago horumarka maleeshiyada RSF ee Suudaan oo ah koox uu hubeeyo Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii ay ciidamada RSF si istiraatiiji ah u qabsadeen el-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur.

Gacan ku dhigidda magaalada ayaa walaac ku abuurtay dalka deriska la ah ee Masar, oo hadda ka cabsi qaba in dagaalku ku soo fido soohdinteeda koonfureed.

Qaahira ayaa dib u qaabeyn ku sameyneysa qorshaheeda amniga, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Middle East Eye, taasoo soo xiganeysa ilo sare oo Masaari iyo Turki ah.

Qaahira waxay si hoose u xoojisay fariisimaheeda ku yaal xuduudaha ay la wadaagto Sudan iyo Libya.

“Wada shaqeyn ayaa u socotay ciidamada Masar iyo Sudan si loo dhiso ciidan talis wadajir ah oo lagaga hortagayo RSF iyo isku day kasta oo suurtagal ah oo lagu soo dhex galo Masar,” sida uu sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka millatariga Masar u sheegay Middle East Eye.

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan (SAF) iyo ciidamada hubeysan ee RSF wuxuu billowday Abriil 2023. Dagaalku wuxuu barakiciyay malaayiin qof, wuxuuna abuuray masiibo bini’aadannimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ciidanka RSF, oo ka soo farcamay maleeshiyada Janjaweed, ayaa Mareykanku wuxuu ku eedeeyay isir-sifeyn iyo xasuuq ka dhacay Darfur.

Isbahaysiga Masar iyo Turkey

Qabsashadii el-Fasher waxay horseedday isku soo dhowaansho la taaban karo oo dhex mara dalalka gobolka ku xifaaltama ee Masar iyo Turkey. Labada dal waxay dan guud ka yeesheen taageeridda Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan (SAF).

“Ciidamada Masar iyo Turkey waxay billaabeen wada shaqeyn toos ah oo ku aaddan arrimaha Sudan,” sida uu sheegay ilo-wareed sare oo dhanka amniga Masar ah.

Wada shaqeyntan ayaa la sheegay inay diiradda saareyso xakameynta guulaha dhuleed ee RSF iyo dejinta gobolka Darfur ee dagaalladu la degeen.

“Diyaargarow ayaa socda oo loogu jiro weerar mustaqbalka dhici kara oo dib loogu qabsanayo el-Fasher iyo dhulalka ku xeeran, waxaana ka mid ah tallaabooyin looga hortagayo in taageero cirka ah oo shisheeye ay soo gaarto cutubyada RSF,” ayuu raaciyay il-wareedka.

Ankara ayaa horey u siisay ciidanka SAF diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo.Waxay hadda qorsheyneysaa inay kordhiso taageeradeeda, sida uu ilo Turkish ah u sheegay Middle East Eye.

“Waxaan horey u qorsheyneynay inaan dirno nidaamyo (hub) dheeri ah, laakiin xasuuqii el-Fasher wuxuu kaliya sii xoojiyay go’aankeenna,” ayuu yiri il-wareedka, isagoo tixraacaya “tacaddiyada isdaba joogga ah” ee RSF ay ka geysteen magaalada la qabsaday.

Doorka Imaaraadka ee guulaha RSF

Guulaha RSF ee furimaha dagaalka iyo hubka casriga ah ee ay haystaan waxay soo jiiteen in si weyn loo baaro taageerahooda koowaad ee caalamiga ah, oo ah Imaaraadka Carabta.

In kasta oo Abu Dhabi ay beeniso, warbixinno calami ah ayaa muujinaya in Imaaraadku uu hub siinayay RSF intii uu dagaalku socday. Warbixinnada ayaa soo xiganaya sawirro dayax-gacmeed, xogta duulimaadyada, iyo ilo wareedyo.

Intaa waxaa dheer, sahaydan ayaa la sheegay inay sii marto waddooyin mara Libya, Chad, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, iyo Uganda.

Waddooyinka kale ee la soo sheegay waxaa ka mid ah Boosaaso ee gobolka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasoo ugu dambeyntii gaara saldhigyada RSF ee gudaha Sudan.

Hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, oo si fiican loogu yaqaan Hemedti, wuxuu xiriir maaliyadeed iyo mid millatari oo soo jireen ah la leeyahay Imaaraadka.

Ciidamada Hemedti ayaa horey ugu yaraan 40,000 oo dagaalyahan ugu biiriyay isbahaysiga uu Imaaraadku hoggaaminayay ee Yemen.

Xariiqa cas ee cusub ee Qaahira

Masar ahaan, gacan ku haynta RSF ee el-Fasher iyo saddex-xagalka soohdinta ee Libya ma ahan oo kaliya khasaare istiraatiiji ah oo soo gaaray xulafadooda SAF. Sidoo kale waa hanjabaad toos ah oo ku wajahan amnigeeda qaranka.

Booqashooyin uu dhowaan sameeyay taliyaha ciidanka Masar, Gaashaanle Sare Ahmed Fathi, ayaa muujiyay degdegga arrinta. Wuxuu u safray Sacuudi Carabiya iyo Port Sudan, oo ah saldhigga dowladda ee SAF hadda.

Fathi wuxuu la guddoomiyay guddi millatari oo ku sugnaa Riyadh ka hor inta uusan isku dubaridin qorshayaasha hawlgallada ee Sudan.

Ilo rasmi ah oo Masaari ah ayaa xaqiijiyay in Qaahira ay siisay SAF “tilmaamo hawlgal iyo hub,” wuxuuna ka digay “in khaladaad ama dib u dhac ku yimaada ka jawaabista dhaqdhaqaaqyada RSF ay halis gelin karaan amniga soohdinta Masar.”

Taageeradan tooska ah ee millatari waxay barbar socotaa isbahaysiga heerka sare ah ee Masar iyo Turkey ee Sudan, taasoo muujineysa isku soo dhowaansho istiraatiiji ah oo cusub.

Ciidanka RSF ayaa hadda la soo sheegayaa inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah Omdurman, oo ku taal dhinaca kale ee Webiga Niil kana soo horjeedda caasimadda Khartoum.

“Weerarka la qorsheeyay ee RSF ay ku qaadayaan Omdurman bilooyinka soo socda wuxuu soo dedejin karaa faragelinta Qaahira, maadaama caasimaddu ay mar walba xariiq cas u ahayd Masar,” sida ay sheegtay Kholood Khair, oo ah agaasimaha xarunta fikirka ee Confluence Advisory.

Si taas looga hortago, Masar iyo SAF waxay qol kale oo hawlgal wadajir ah ka sameynayaan magaalada el-Obeid ee Waqooyiga Kordofan, si “loo soo celiyo joogitaanka ciidanka Sudan” ee goobihii ay dhowaan qabsadeen RSF, sida uu sheegay il-wareedka sare ee Masar.

Xoojintan millatari ayaa ku soo aadeysa xilli ay istaageen dadaalladii diblomaasiyadeed.

Tusaale ahaan, ciidanka SAF ayaa la sheegay inay diideen xabbad-joojin lagu soo qaaday wadahadallo uu Mareykanku hoggaaminayay oo ka dhacay Washington.

Wafdiga RSF ee halkaas jooga waxaa si gaar ah uga mid ah Algoney Dagalo, oo ah walaalka Hemedti, kaasoo ay saaran yihiin cunaqabateynno Mareykan ah.

“Istiraatiijiyaddan cusub waxay Qaahira ka fogeyneysaa doorkeedii ay doorbideysay ee ahaa nabad-doon,” ayay raacisay Khair.

Qabsashadii el-Fasher waxay hadda u muuqataa mid sii adkeysay faragelinta quwadaha gobolka, ayna sii xoojisay isbahaysiga Masar iyo Turkey ee Sudan.

Arrintan waxay dalka ku sii riixeysaa inuu si buuxda u kala qaybsamo.

 

- Advertisement -

Read more

Local News