Stockholm (Caasimada Online) — Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay sii wadi doonto tarxiilka qasabka ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalena qorsheyneyso inay heshiisyo noocan ah la gasho dalal kale.
Wasiirka Socdaalka Sweden, Johan Forssell, ayaa diiday baaqyo loo jeedinayay oo ku aaddanaa in la hakiyo iskaashigan, kaddib markii warbaahinta dalkaasi ay soo bandhigeen dhaqaale mugdi ku jiro oo la xiriira dadka la celinayo.
Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Sweden, oo soo xiganaya xogta rasmiga ah ee Booliska, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay aqbashay in dalkeeda dib loogu celiyo 25 qof oo si qasab ah looga soo tarxiilay Sweden bishii November ee sannadkan.
Dadkan la celiyay ayaa 14 kamid ah lagu sifeeyay inay ahaayeen shaqsiyaad horay dambiyo u galay. Xogta ayaa sidoo kale iftiimineysa koror ballaaran oo ku yimid tirada dadka sida qasabka ah loogu celinayo Soomaaliya, taasoo sanadkii 2023 ahayd lix qof oo keliya, balse sanadkii 2024 gaartay 29 qof.
Wasiir Forssell ayaa ku adkeystay in xukuumadda Sweden aysan wax qorshe ah u haynin joojinta iskaashigan, isagoo ku tilmaamay mid “miro-dhal ah” oo shaqeynaya.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli xisbiyada mucaaradka ay dalbanayaan in daah-furnaan buuxda laga sameeyo waxa ay dowladda Sweden dhaqaalahan ku bixisay iyo sida loola xisaabtamayo hannaanka socda.
Muranka ayaa salka ku haya waxa ay warbaahinta Sweden ugu yeertay “Lacagta Soomaaliya” (Somalia Money); taasoo ah isku-dhaf ka kooban deeqo gargaar oo loo weeciyay dhankan iyo lacago kale oo gaar ah oo ka baxsan miisaaniyadda gargaarka.
Idaacadda Dadweynaha Sweden (SR), oo soo xiganeysa baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens Nyheter, ayaa werisay in dowladda Sweden ay bixisay qiyaastii shan milyan oo karoon (SEK) si loogu taageero howlaha tarxiilka ee loo sameynayo Soomaaliya.
Dowladda Sweden ayaa dhankeeda ku doodeysa in iskaashigani uu soo maro marino caalami ah oo xiriir la leh Qaramada Midoobay, sida Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), ujeedkuna uu yahay in kor loo qaado awoodda hay’adaha ku shaqada leh dib-u-celinta.
Hay’adda IOM ayaa hannaankeeda ku qeexday mid ah “dib-u-celin iyo dib-u-dhexgalin ku dhisan sharaf, badqab, iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.”
Arrintan ayaa haatan u gudubtay heer dastuuri iyo isla-xisaabtan baarlamaani ah. Xisbiga Social Democrats-ka ayaa dacwad u gudbiyay Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka (KU), iyagoo ka dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo lacagaha ay Sweden la xiriirisay Soomaaliya.
Xisbiga ayaa eedeyntiisa ku sheegay in dhaqaale xooggan, oo sii maraya hay’adaha UNDP/Sida iyo IOM, si toos ah loogu shubay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dacwaddan ayaa hadda hortaalla Guddiga Dastuurka.
Jawaab qoraal ah oo ay dowladda Sweden u dirtay xildhibaannada ayay ku sheegtay in istiraatiijiyadda horumarinta ee dalkaasi ay horeyba qayb uga ahayd taageeridda awoodda Soomaaliya ee maareynta socdaalka, oo ay ku jirto dib-u-celinta dadka, iyadoo ku dooday in hannaankeedu uu yahay mid cad oo daah-furan.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden oo la hadlay warbaahinta Somalia Today ayaa shaaca ka qaaday in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu fududeeyay tarxiilka, isagoo amray in Safaaradda Soomaaliya ee Stockholm ay bixiso waraaqaha aqoonsiga (Go home papers) ee dadka ay Sweden go’aansatay inay dalkeeda ka saarto.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid “Gabbood-fal iyo khiyaano” ku ah dadka Soomaaliyeed.
Safaaradda Soomaaliya ee Stockholm iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha midna kama aysan jawaabin codsiyo loo diray oo ku aaddanaa inay arrintan ka hadlaan.

