30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

Madaxa shirkadda DP World oo ay ku soo baxday fadeexad culus oo la xiriirta Epstein

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Thomas Massie oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Maraykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa shaaca ka qaaday in ganacsadaha u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, Sultan Ahmed bin Sulayem, inuu yahay shakhsigii uu Jeffrey Epstein u diray fariin email ah oo ku saabsan “muuqaal jirdil ah.”

Bin Sulayem ayaa ah Guddoomiyaha iyo Maamulaha Guud ee DP World, oo ah shirkad weyn oo ka shaqeysa saadka iyo dekedaha oo xarunteedu tahay Imaaraadka.

Fariimahan ayaa qeyb ka ahaa faylasha Epstein oo ay sii deysay Waaxda Caddaaladda ee Mareykanka (DOJ), balse magaca qofka loo diray ayaa markii hore ahaa mid laga tiray (redacted). Si kastaba ha ahaatee, sharci-dejiyeyaasha ayaa loo oggolaaday inay arkaan faylasha oo aan waxba laga tirin.

Epstein ayaa email diray 24-kii Abriil, 2009, kaas oo u qornaa:“Halkee joogtaa? Ma fiican tahay? Aad baan u jeclaystay muuqaalkii jirdilka (torture video),” isaga oo muujinaya inuu Bin Sulayem uu yahay qofka uu ka helay muuqaalka.

In kasta oo magaca qofka fariinta loo diray markii hore qarsoonaa, ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, Todd Blanche, ayaa sheegay in qofkaas lagu aqoonsaday faylka lambarkiisu yahay EFTA00666117, kaas oo si cad u sheegaya magaca “Sultan Bin Sulayem.”

Xiriirka ka dhexeeyay labada nin

Dokumiintiyada Waaxda Caddaaladda ayaa muujinaya in Bin Sulayem uu ahaa saaxiibka Epstein, iyagoo is-weydaarsaday fariimo ku saabsan xiriirro galmo. Ganacsadahan reer Imaaraad ayaa sii watay xiriirka uu la lahaa Epstein muddo sannado ah, xitaa ka dib markii Epstein lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga galmada gabdhaha yaryar sannadkii 2008-dii.

Xildhibaan Massie, oo horkacayay dadaalkii Congress-ka ee lagu baahiyay faylasha Epstein, ayaa bartiisa X (horey loo oran jiray Twitter) ku qoray: “Waxay u muuqataa in Sultan uu fariintan soo diray. Waaxda Caddaaladda waa inay arrintan dadweynaha u soo bandhigtaa.”

Go’aanka soo baxay ayaa durba saameyn ku yeeshay ganacsiga DP World. Sanduuqa hawlgabka ee labaad ee ugu weyn dalka Canada, La Caisse (CDPQ), ayaa ku dhowaaqay inay joojiyeen dhammaan heshiisyadii mustaqbalka ee ay la geli lahaayeen DP World.

Sanduuqan oo balaayiin doollar ku maalgeliyay mashaariicda dekedaha ee shirkadda, ayaa sheegay inay “hakiyeen raasumaalkii dheeriga ahaa” ee ay gelin lahaayeen shirkadda, ka dib markii ay soo baxeen xogta xiriirka Bin Sulayem iyo Epstein.

Ilaa hadda, ma jirto tallaabo sharci ah oo laga qaaday Bin Sulayem, oo ah mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saamaynta badan dhanka ganacsiga ee magaalada Dubai.  

- Advertisement -

Read more

Local News