Riyadh (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa iska diiday codsiyo uga yimid xulafadiisa Bariga Dhexe, kuwaas oo doonayay in la furo wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan, oo galay toddobaadkii saddexaad.
Dhankeeda, xukuumadda Tehran ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay suurta-galnimada xabad-joojin kasta inta ay socdaan duqeymaha lala beegsanayo dalkeeda, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen laba sarkaal oo sare oo Iiraaniyiin ah. Sidoo kale, waxay xuseen in dalal dhowr ah ay isku dayayeen inay dhex-dhexaadin ka sameeyaan sidii colaadda loo demin lahaa.
Rabitaan la’aanta ka muuqata Washington iyo Tehran ayaa muujineysa in labada dhinacba ay u diyaar-garoobayaan dagaal daba-dheeraada, xilli colaadda sii fideysa ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiineyso dad rayid ah, go’doominta ay Iiraan ku sameysay Marinka Hormuz-na ay cirka u dirtay qiimaha shidaalka adduunka.
Duqeymaha uu Mareykanku habeenkii Jimcaha la beegsaday Jasiiradda Kharg, oo ah xudunta ugu weyn ee Iiraan ay ka dhoofiso saliidda, ayaa hoosta ka xariiqay sida Trump uu uga go’an tahay inuu sii wado ololihiisa milateri.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha cusub ee Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa wacad ku maray in marinka Hormuz uu sii xirnaan doono, isagoo ku hanjabay inuu kordhin doono weerarada ka dhanka ah dalalka deriska ah.
Dagaalkan ayaa galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo qof, kuwaas oo u badan Iiraaniyiin, wuxuuna sababay carqaladeyntii ugu weyneyd abid ee ku timaada saadka saliidda adduunka, maadaama uu istaagay isu-socodka badda ee Marinka Hormuz oo ay marto shan-meelood meel shidaalka caalamka.
Isku-dayadii Khaliijka
Dowladda Cumaan, oo dhex-dhexaadin wadday dagaalka ka hor, ayaa dhowr jeer isku dayday inay furto khad isgaarsiineed, balse Aqalka Cad ayaa si cad u sheegay inuusan xiiseyneynin arrintaas, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo magacooda qariyay sababo diblomaasiyadeed.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in Trump uu diiday dadaalladaas, isagoo diiradda saaraya sii wadista dagaalka si uu si dhab ah u wiiqo awoodda milateri ee xukuumadda Tehran.
“Xilligan isagu dan kama leh arrintaas, howlgalkana si aan kala joogsi lahayn ayaan u sii wadeynaa. Waxaa iman karta maalin [la wada hadlo], laakiin hadda ma aha,” ayuu yiri sarkaalkan.
Toddobaadkii koowaad ee dagaalka, Trump ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Truth Social ku qoray in hoggaanka iyo milateriga Iiraan ay si ba’an u burburiyeen duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil, ayna doonayaan inay wada hadlaan, balse uu ugu jawaabay in “Waqtiga ayaa idinka dhacay!” .
Madaxweynaha, oo caan ku ah inuu mararka qaar isbed-beddelo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda isagoo aan cidna sii ogeysiinin, ayaa haddana suurtagal ka dhigaysa in laga yaabo inuu mar uun tijaabiyo dib-u-soo-celinta diblomaasiyadda.
“Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in hoggaanka cusub ee Iiraan ay muujiyeen inay rabaan wadahadal, aakhirkiina way wada hadli doonaan. Hadda, Howlgalka Epic Fury wuxuu u socdaa si aan hakad lahayn,” ayuu yiri sarkaal labaad oo ka tirsan Aqalka Cad.
Dalka Masar, oo isaguna qayb ka ahaa dhex-dhexaadinta intii uusan dagaalku bilaaban, ayaa isku dayday inay dib u furto wada-hadallada. Inkastoo aysan muuqan wax horumar ah, haddana waxay ku guuleysteen inay is-xakameyn dhanka milateriga ah ka helaan qaar ka mid ah dalalka deriska ah ee ay Iiraan weerartay.
Culeyska gudaha Mareykanka
Saameynta dagaalku ku yeeshay suuqyada shidaalka caalamka ayaa si weyn u kordhisay culeyska iyo qiimaha uu Mareykanku ku bixinayo colaaddan. Qaar ka mid ah saraakiisha Washington iyo la-taliyeyaasha Trump ayaa ku boorrinaya madaxweynaha in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka, iyagoo ka digaya in sicir-bararka shidaalka uu dhaawac siyaasadeed oo weyn gaarsiin karo xisbigiisa Jamhuuriga, xilli ay soo dhow yihiin doorashooyinka Koongareeska ee xilliga dhexe.
Dhinaca kale, waxaa jira xubno ku cadaadinaya Trump inuu sii wado weerarada ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah si loo burburiyo barnaamijkeeda gantaallada, loogana hortago inay weligood helaan hub nukliyeer ah.
Diidmada Trump ee diblomaasiyadda ayaa xilligan muujineysa in maamulku uusan qorsheynin soo afjarid degdeg ah. Mareykanka iyo Iiraan ayaa labaduba haatan u muuqda kuwo aan diyaar u ahayn in ay wada hadlaan, si ka duwan maalmihii hore ee dagaalka, markaas oo saraakiil sare oo Mareykan ah ay la xiriireen Cumaan si looga wada hadlo qaboojinta xiisadda.
Waxaa sidoo kale jiray isku dayo fashilmay oo sarkaalka sare ee amniga Iiraan, Cali Larijani iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabaas Araqchi ay ku doonayeen in Cumaan ay u noqoto buundo ay ugala hadlaan Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka JD Vance arrimo la xiriira xabad-joojin.
Ilo wareed Iiraani ah ayaa sheegay in wixii horay looga wada hadlay dhanka diblomaasiyadda ay hadda yihiin kuwo aan shaqeyneyn, mowqifka Iiraanna uu noqday mid mayal adag.
“Ciidamada Ilaalada Kacaanka waxay si adag u aaminsan yihiin in haddii ay lumiyaan gacan-ku-haynta Marinka Hormuz, Iiraan ay waayi doonto dagaalka,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo ula jeeda ciidamada awoodda badan ee IRGC oo maamula qaybo waaweyn oo ka mid ah dhaqaalaha dalkaas.
Sidaa darteed, ciidamadani ma aqbali doonaan xabad-joojin, hoggaamiyeyaasha siyaasadda Iiraanna kama qaybgeli doonaan wadahadallo noocaas ah inkastoo ay jiraan isku dayo ka imaanaya dalal dhowr ah.

