Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u eegis gaar ah ku sameeyay heshiisyada kirada dhulka dowladda ee ay la galeen toddobo shirkadood oo ganacsi, kuwaas oo ka howlgala xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Dib u eegistan oo ahayd mid si gaar ah loo baaray ayaa diiradda lagu saaray habraaca loo maray bixinta dhulka, qiimaha kirada, muddada heshiisyada iyo in shirkaduhu ay si buuxda u bixinayeen lacagaha ku waajibay, sida ku cad warbixin ka soo baxday xafiiska Hantidhowrka.
Hanti-dhowrka ayaa si gaar ah u xusay heshiiska lala galay shirkadda SKA International Group, iyadoo la sheegay in shirkaddu ay isticmaasho dhul dowladeed oo cabbirkiisu gaarayo ku dhowaad 40,000 mitir oo laba jibbaaran (SQM), taas oo ka mid ah dhulalka ugu waaweyn ee ay adeegsadaan shirkadaha ka howlgala xerada Xalane.
Sidoo kale, baaristan ayaa muujisay in Dowladda Federaalka ay ka maqan tahay dakhli lagu qiyaasay 860,000 oo doolar, kaas oo la xiriira kirada dhulkaas oo aan si buuxda loo bixin, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan habraaca maaliyadeed ee heshiisyadaas.
Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sheegay in natiijooyinka dib u eegistan lala wadaagay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, maadaama ay tahay hay’adda masuulka ka ah dhulka iyo xarumaha ku yaalla gudaha xerada Xalane, si loo qaado tallaabooyin lagu saxayo khaladaadka jira.
Sidoo kale, Hanti-dhawrka ayaa muujiyay muhiimada in dib loo eego dhammaan heshiisyada la xiriira kirada dhulka dowladda, si loo hubiyo in heshiisyadu waafaqsan yihiin sharciga, isla markaana dowladda ay hesho dakhliga saxda ah ee ka soo xarooda hantideeda.
Si kastaba, arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan hufnaanta maaliyadeed, isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyo in si gaar ah loo ilaaliyo hantida guud ee qaranka, si looga hortago khasaare dhaqaale oo soo noqnoqda.

