Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidamadooda ay soo badbaadiyeen duuliyihii diyaaraddii Iiraan soo riday, kaas oo la raadinayey muddo ku dhaw 48 saac, waxaana aroornimadii saakay la helay asagoo dhaawac halis ah uu soo gaaray.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo aamusnaa tan iyo markii diyaaradda la soo riday lana waayey laba duuliye ayaa soo hadlay, wuxuuna ku faanay in ciidanka gaarka ah ee Maraykanka ay soo badbaadiyeen duuliyihii labaad iyaga oo adeegsanaya awooddii ugu sarreysay ee ciidanka.
“Waxaa soo gaaray dhaawacyo, laakiin waa uun fiicnaan doonaa,” ayuu ku yiri Trump qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.
Howlgalkan oo lagu tilmaamay mud “mucjiso ah” ayaa imaanaya ka dib markii shalay la soo badbaadiyay “ duuliye kale oo geesi ah”, kaasoo Trump uu yiri “ma aanan xaqiijin, sababtoo ah ma aanan dooneynin inaan halis galno howlgalkeenna labaad ee badbaadinta”.
Waxaa kale oo uu qoray: “WELIGEEN GADAAL UGAMA TAGEYNO DAGAAL-YAHAN AMERIKAAN AH!”
Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn iyo diyaaradda xamuulka oo ah C-130 oo ka qayb qaadanayey soo badbaadinta duuliyaha laakiin Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in laba diyaaradood oo nuuca xamuulka ee C-130 oo ku dagay gudaha Iiraan ay kici waayeen kadibna duqayn lagu burburiyey si aysan ciidanka Iiraan gacanta ugu dhigin.
Si kataba, ha’ahaatee ciidamada Maraykanka ayaa raadinta duuliyahaan u adeegsaday boqolaal ciidanka Kumaandoosta Maraykanka iyo tobanaan diyaaradaha gaarka ah, iyadoo madaxweyne Trump uu sheegay in howlgalkan uu ahaa kii ugu adkaa ebid ee lagu soo badbaadiyo askarta Maraykanka.

