Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahisay duqeyn culus oo saaka aroortii hore ka dhacday duleedka magaalada Baydhaba, taas oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxibada caalamiga ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhaba iyo Daynuunaay ee gobolka Baay, isla markaana lagu dilay 12 xubnood, laguna dhaawacay tiro intaas ka badan.
“Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay. Duqeymahan oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka lagu dhaawacay tiro kale” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaaca ka qaaday in dadaalladan ay qayb ka yihiin kuwa joogto ah oo lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.
Waxaa kale oo ay intaas raacisay in ay sii socon doonaan howlgallada culus ee lagu beegsanayo argagixisada, si loo cuuryaamiyo awoodeeda.
“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallada noocaan oo kale ah, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka”. ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Todobaadyadii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Baay, waxayna ahayd maalmo uun kahor markii ay Al-Shabaab iyo milatariga Soomaaliya isku fara saareen deegaanka Daynuunaay, halkaas oo lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana kadib ciidamada ay soo galeen magaalada Baydhaba, hakaas oo ay ka fuliyeen howlgal kale oo magaaladaas looga saaray maamulkii uu hoggaaminayay Lafta-gareen.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan magaalada uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan dhismaha maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, waxaana barbar socda kulamo siyaasadeed oo looga hadlayo isbeddelka dhacay iyo xaaladda kala guurka ah ee maamulka.


