Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan uu albaabada u xiran yahay ayaa hadda guriga madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu uga socdaa safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maalmahan dhaq-dhaqaaqa ka waday Muqdisho.
Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka soo socda.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha mucaaradka ayaa si gaar ah Danjire Alper Akta kala hadlaya in Turkiga uusan ku dhex milmin siyaasadaha is-diidan ee gudaha Soomaaliya, isla markaana uu ka noqdo dhex-dhexaad.
Sidoo kale, waxaa haatan socda doodo adag oo dhexeeya labada dhinac, maadaama uu Turkigu galaangal xoogan ku leeyahay arrimaha Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay sii xoojinayay dhaq-dhaqaaqooda, iyagoo kulamo kala duwan la yeeshay haweenka, culimada iyo odayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen marxaladda kala guurka ah e dalka.
Waxaa kale oo ay maanta la ballansan yihiin ururrada bulshada rayidka ah oo iyaguna ay ka dhageysan doonaan talooyinkooda ku aadan xaaladda dalka.
Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.
Si kastaba, Mucaaradka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

