Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, waxayna sidoo kale meel-mariyeen go’aanno xasaasi ah.
Ugu horreyn golaha ayaa ansixiyay dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoos tagta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, una xilsaaran isku duwidda, mideynta, jaangooynta, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee Dowladda Federaalka, si muwaadinku uu u helo adeegyo kala duwan oo isku xiran.
Xarunta Adeeg Bixinta ee Halmeel, ayaa u-astaysan isku duwidda adeegyada dowladda iyo mideyntooda, dib-u-habeynta adeegyada adag iyo yareynta lakab-xafiiseedka, fududeynta xog is-dhaafsiga u dhexeeya hey’adaha dowladda si muwaaddinku uga maarmo in uu hal-xog marar kala duwan iyo goobo kala duwan ku bixiyo.
Sidoo kale, Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Heshiis hoos yimaada Qaramada Midoobay ee sharciga Badaha (Unclose) ee ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala duwanaanshaha noolaha badda ee aagga ka baxsan awoodda Qaran (BBNJ Agreement).
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, maaliyadda iyo xaaladda Wabiyada dalka oo ay daraasad iyo warbixin dhamaystiran kasoo gudbisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
Ra’iisul Wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa bogaadiyay guulaha ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan kadib markii warbixintii amniga ee lasoo bandhigay ay muujisay in amniga dalka uu si weyn usoo hagaagay, si weyna hoos ugu dhaceen falalkii amni darada guud ahaan dalka.
Todobaad kasta maanta oo kale ayay Golaha Wasiirradu shiraan, waxayna kaga hadlaan xaaladda dalka iyo shaqooyinka xukuumadda Soomaaliya.


