27.8 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Xasan: “Waa shaqsi aan sumcad lahayn”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar qaawan ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay “shaqsi aan waxba ka aqoon siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.”

Farmaajo oo bixiyay wareysi cusub ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay qof aan sumcad lahayn, isagoo ku eedeeyay inuu maalinba mid la joogo laba dal oo is-haya.

“Laba dal oo is-haya haddaa marba maalinba mid la joogto sida aan hadda aragno, marka sumcad ma lihid, haddaa sumcad lahayn xaqiiqatan dalkaaga sumcad ma lahaanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray: “Xasan siyaasad arrimo dibadeed waxba kama yaqaano, siyaasad arrimo gudeedna waxba kama yaqaan, midna waxba kama yaqaan.”

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa isku sifeeyay “shaqsi ay ku weyn tahay waddaniyaddu” isagoo ku faanay inuu dhisay ciidanka xoogga dalka, oo uu sheegay in markii hore ee uu Xasan Sheekh kala wareegay uu baaba’ ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh waxaa ka dhaxlay ciidan aan mooral laheyn, oo mushaar qaadan, oo la leeyahay $100 qaata ama ka taga, balse aniga wuxuu iga dhaxlay ciidan dhisan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Waxa uu intaas kusii daray “Hal sanduuq oo rasaas ah igama tagin Xasan Sheekh. Waxaan uga tagnay bakhaaro hub ah.”

Farmaajo oo soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku jiro, intii uu xafiiska joogay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu hoggaaminayay weerarkaasi, isagoona isweydiiyay, haddiiba General Odawaa uu halis geliyay naftooda, sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka dib ugu soo magacaabay Taliyaha.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu mucaarad isku filan yahay, isaga oo tusaale u soo qaatay iska-horimaadka hadalladiisa shalay iyo maanta.

“Ceeb ka weyn ma jirto qof weyn oo mas’uul ah, da’daas ah, sheegtana inuu PhD yahay, haddana shalay iyo maanta la iska horkeenayo. Waxaad is leedahay, isagaaba mucaarad isugu filan ee maxaad ka mucaaradeysaa?” ayuu yiri Farmaajo.

Waa weerarkii ugu adkaa ee Farmaajo uu ku qaado Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay 13-kii November.

Farmaajo ayaa ka soo horjeeda hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka, iyadoo uu is-mari-waa ka taagan yahay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.

Hoos ka daawo hordhaca wareysiga:

- Advertisement -

Read more

Local News