28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xiisad culus oo ka dhalatay go’aankii shalay oo ka taagan Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa si adag uga horyimid muddo-kordhinta loo sameeyay goleyaasha maamulka Somaliland, kaddib markii ay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ku fashilmatay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in go’aanka muddo-kordhinta uusan ahayn mid loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in la dhageysto dhammaan saamileyda siyaasadda si loo gaaro xal wadajir ah.

Kaahin ayaa carrabka ku adkeeyay in aanay habboonayn in arrimaha doorashooyinka lagu koobo xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Waddani, isaga oo xusay in tani ay keeni karto kalsooni darro siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in fursad la siin lahaa Guddiga Doorashooyinka, halkii lagu degdegi lahaa muddo-kordhin, taas oo uu sheegay inay horseedi karto is-qabqabsi iyo kala qaybsanaan bulsho.

Guddoomiyuhu wuxuu ka digay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay dhaawac ku geysan karaan rajadii laga qabay hannaanka dimuqraadiyadeed, isla markaana ay wiiqi karaan geeddi-socodka doorashooyinka.

“Golaha Guurtida kama aanu codsan inuu sameeyo muddo-kordhin. Guddiga Doorashooyinka waxa uu codsaday 10 bilood, waana in loo daayaa muddadaas, lagumana darin waqti dheeraad ah,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed.

Dhinaca kale, Golaha Guurtida ee maamulka Somaliland, oo xil-hayntiisa dastuuriga ah ay horay u dhammaatay ayaa go’aansaday inuu muddo kordhin sameeyo, taas oo dood iyo muran badan dhalisay.

Shalay, Golaha Guurtida ayaa muddo kordhin dhan 2 sano iyo 3 bilood u sameeyay Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, taas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka.

Si kastaba, muddo kordhintan ayaa sii adkeynaysa doodaha la xiriira dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, iyadoo tallaabadan ay ka dhigan tahay in mar kale dib loo dhigay qabashada doorashooyinkii la filayay inay dhacaan xilligooda.

Golaha Guurtida laftiisa ayaa horay uga gudbay muddadii xileedkiisa dastuuriga ahayd, waxaana marar badan uu isagu isku kordhiyay muddada uu xilka hayo, arrintaas oo dhalisay su’aalo la xiriira sharciyadda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Tallaabadan cusub ayaa sidoo kale wiiqaysa nidaamkii doorashooyinka isku xiga ee Somaliland ay ku faani jirtay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo dib u dhacyada soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen kalsoonidii lagu qabay jadwalka doorashooyinka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu mucaaradka ahaa dhowr jeer si weyn ugu dhaliili jiray Muuse Biixi Cabdi in uu ku fashilmay qabashada doorashooyinka, hase yeeshee xaaladda maanta taagan ayaa u muuqata mid isaga iyo xisbigiisa Waddani si toos ah u dhex geysay wixii uu hore ugu eedeyn jiray Kulmiye.

- Advertisement -

Read more

Local News