28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Villa Somalia: Soomaaliya hadda ma aha mowduuc laga gaaro go’aano aysan ogeyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasta ay Soomaaliya ka heshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay calaamad u yihiin isbeddel taariikhi ah oo ku yimid soo-kabashada dalka.

Wuxuu ku dooday in xukuumadda Muqdisho aysan hadda kaddib ahayn uun mowduuc laga gaaro go’aanno amni oo caalami ah, balse ay iyadu haatan qayb ka tahay qaabeynta iyo dejinta go’aamadaas.

Maqaal uu qoray oo maalintii Khamiista lagu daabacay shabakadda Al Jazeera, ayuu Aweys Xaaji Yuusuf Axmed ku sheegay in doorka sii ballaaranaya ee ay Soomaaliya ku yeelanayso fagaarayaasha amniga ee qaaradda iyo caalamkaba uu muujinayo in dalku uu dib u dhisayo miisaankiisii diblomaasiyadeed, kaddib tobanaan sano oo uu la daalaa-dhacayay colaado, burbur dowladnimo iyo dadaallo xasilin ah oo ay shisheeye hoggaaminayeen.

Aweys, oo ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xusay in Soomaaliya ay tobanaan sano ahayd waddan ay dalal kale kaga dhex doodaan fagaarayaasha awoodda leh ee caalamka.

Wuxuu xusay in jileyaal shisheeye ay go’aaminayeen siyaasadda la xiriirta amniga Soomaaliya, cunaqabateynta, nabad-ilaalinta iyo baahiyaha bini’aadannimo, balse wuxuu ku dooday in waqtigaas uu hadda gabaabsi yahay oo uu isbeddelayo.

Soomaaliya ayaa haatan “qaabeynaysa ajandayaasha saaran miiska wada-hadalka”, ayuu qoray Aweys, isagoo ku sifeeyay joogitaanka isku-dhafan ee dalka ee hay’adaha amniga ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika mid muujinaya isbeddel calaamad iyo ficilba leh oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda.

Maqaalkan ayaa gudbinaya farriin ballaaran oo ka timid dowladda: Soomaaliya waxay doonaysaa inay ka gudubto in loola dhaqmo sidii gal-dacwadeed xiisad oo ay maamulaan awoodo shisheeye, ayna noqoto jile firfircoon oo qayb ka qaata go’aamada saameynaya amnigeeda, horumarkeeda iyo maqaamkeeda fagaaraha caalamka.

Aweys Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in joogitaanka Soomaaliya ee labadan gole uu wax ka beddelayo dheellitir-la’aan soo jiitamaysay muddo dheer, taas oo inta badan go’aamada dalka saameynaya la gaari jiray xilli codka Soomaalidu uu maqan yahay ama uusan lahayn miisaan weyn.

Wuxuu caddeeyay in xubinnimadan aysan ahayn mid maamuus ama magac u yaal ah oo keliya. Labadan gole ayaa meelmariya qaraarro, bixiya oggolaanshaha hawlgallada, isla markaana qaabeeya shuruucda iyo qaab-dhismeedka diblomaasiyadeed ee saameeya dalalka ay ragaadiyeen colaadaha.

Soomaaliya ayaa bishii Juun ee sanadkii 2024-ka ku guuleysatay kursi ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah muddo-xileed labo sano ah oo ka bilaabanaya 1-da Janaayo 2025 ilaa 31-ka Diseembar 2026. Sidoo kale, dalka ayaa bishii Febraayo ku guuleystay kursi ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ah muddo-xileedka 2026-ka ilaa 2028-ka.

La-taliyaha ayaa sheegay in doorarkan ay Soomaaliya siinayaan madal xooggan oo ay isku waafajiso ballan-qaadyada caalamiga ah iyo mudnaanta qaranka, oo ay ku jiraan la-dagaallanka argagixisada, taageerada xasilinta, helitaanka gargaarka bani’aadanimo, maalgelinta horumarka, amniga cimilada iyo siyaasad loo dhan yahay.

Wuxuu sidoo kale isbeddelkan la xiriiriyay aragtida uu shaaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in la helo Soomaaliya “heshiis la ah nafteeda, heshiisna la ah adduunka”.

Amniga iyo dhisidda dowladnimada

Maqaalkan ra’yiga ah ayaa doorka cusub ee diblomaasiyadeed ee Soomaaliya u soo bandhigaya inuu yahay qayb ka mid ah dadaallada ballaaran ee dhisidda dowladnimada dalka.

Aweys Xaaji Yuusuf ayaa ku dooday in khibradda ay Soomaaliya u leedahay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda kaddib xilliyadii colaadda ay siinayso kalsooni ay ugu ololeyso geeddi-socod nabadeed oo loo dhan yahay, amni salka ku haya horumar, iyo ka-qaybgal caddaalad ah oo laga yeesho arrimaha caalamka.

Wuxuu sidoo kale sheegya in Soomaaliya ay tahay cod wakiil ka ah dalalka ay inta badan tabashooyinkooda hoos u dhigaan awoodaha waaweyn, oo ay ku jiraan waddamada Afrika, kuwa Carabta iyo Muslimiinta, iyo dalalka ugu horumarka yar dunida.

Balse wuxuu qiray in saameynta weyn ee la helo ay iyaduna la timaado mas’uuliyad intaas ka culus. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay inay muujiso joogteyn, ixtiraamka mabaadi’da iyo shuruucda caalamiga ah, iyo iskaashiyo lagu kalsoonaan karo xilli ay dhex mushaaxayso madal diblomaasiyadeed oo isku-dhafan.

Isagoo ka hadlayay waddan muddo dheer lala xiriirinayay colaado iyo faragelin shisheeye, ayuu Aweys sheegay in isbeddelkani uu calaamad u yahay tallaabo looga gudbayo “go’doon oo loo gudbayo is-dhexgal”.

Farriinta udub-dhexaadka u ah maqaalka ayaa ahayd mid rajo xambaarsan: Soomaaliya haatan ma sugeyso in dad kale ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkeeda, balse waxay isku dayaysaa inay gudaha ka qaabeyso qolalka lagu gaarayo go’aannadaas masiiriga ah.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News