27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Saraakiisha Villa Somalia oo kulamo ka wada Dhuusomareeb xilli gees loo riixay Qoor Qoor

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdiga ka kooban saraakiil uu hoggaaminayo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), oo Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaas ka billaabay kulamo xasaasi ah.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), dhowr cisho ka hor si weyn looga dareemay magaaladaas.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo shalay booqday xarunta Taliska Qaybta 21aad, ayaa halkaas kula kulmay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne), iyo kaaliyeyaashiisa, isaga oo kala hadlay sidii gacanta loogu qaban lahaa amniga magaalada Dhuusamareeb, xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Taliyaha Qaybta 21-aad ayaa Khamiistii ka cudurdaartay in ciidamada militariga ay la wareegaan amniga magaalada, ka dib amar uu ka helay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo ka digay in tallaabo kasta oo ay ciidamada kula wareegayaan amniga magaalada ay wiiqi karto hannaanka siyaasadeed, geeddi-socodka xilliga kala-guurka Galmudug, wadajirka dadka deegaanka iyo amniga ay haystaan.

Wararka ayaa sheegaya in General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo kulanka ay ku wehlinayeen saraakiil ka tirsan Booliska iyo Hay’adda Nabad-sugidda Galmudug, ay Taliska Qaybta 21-aad ka codsadeen in marka hore laga kala shaqeeyo sidii uu xilka ula wareegi lahaa Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, kaas oo dhowaan Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u magacaabay Taliyaha Booliska Galmudug.

Hase yeeshee, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka horyimid magacaabistaas, isaga oo dib u soo magacaabay Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, oo sanadihii u dambeeyay ahaa Taliyaha Booliska Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in General Kaniif uu sidoo kale Taliyaha Qaybta 21-aad ku boorriyay in isaga iyo saraakiisha ka hoos shaqeysa ay laamaha amniga ka gacan siiyaan sugidda nabadgelyada magaalada iyo doorashada qof iyo codka ah ee bilaha June iyo July laga qabanayo deegaannada Galmudug.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka qabta in Madaxweyne Qoorqoor uu carqaladeeyo doorashada Golaha Deegaanka iyo tan Baarlamaanka ee lagu wado inay Galmudug ka qabsoomaan 20-ka June iyo 2-da July, iyadoo doorashada hoggaanka Galmudug la muddeeyay in la qabto 9-ka July.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa doonaya inuu mar labaad xafiiska ku soo laabto, halka Dowladda Federaalka ay jagadaas u waddo shakhsi kale, waana halka uu is-maandhaafkoodu ka taagan yahay.

Dad badan oo ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa ka baqdin qaba in khilaafka siyaasadeed ee xiisadda ka abuuray magaaladaas uu isku beddelo gacan ka hadal.

Korneyl Maxamed Dhagaweyne ayaa jeclaan lahaa in dhinacyadu maareeyaan khilaafka siyaasadeed ee soo kordhay, iyadoo aanu militarigu ku milmin arrimaha siyaasadeed ee la isku hayo.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku guuleysatay in inta badan saraakiisha Booliska iyo Nabad-sugidda Galmudug ay ka baxaan garabka Madaxweyne Qoorqoor, waxayna Villa Somalia caqabadda hortaagan u aragtaa taageero la’aanta militariga deggan Dhuusamareeb.

Korneyl Dhagaweyne ayaa laga yaabaa inuu beddelo mowqifkiisa dhexdhexaadnimada, marka la eego culeyska sii kordhaya ee uga imaanaya dhinaca Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News