Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay bilaabeyso dhex-dhexaadinta madaxda Dowladda Federaallka iyo kuwa mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si looga wada-hadallo xaaladda cakiran ee dalka.
Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu kulan saddex geesood ah ka dhici doono xeyndaabka xerada Xalane, kaas oo ay yeelan doonaan Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka iyo Mareykanka, iyadoo diiradda lagu saarayo muranka arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka loo qorsheeyay inuu dhaco 13-ka bishan, isla markaana ujeedadu tahay in lagu gaaro xal waara oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac.
Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dhanka dowladda ay shirka ku metali doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ee meteli doonaan Madaxweyne hore Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana uu garwadeen ka yahay Mareykanka, si loo gaaro xal waara
Wadahadalladan la filayo inay bilowdaan ayaa kusoo aaday, iyada oo shalay uu baaqday kulankii uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco Villa Somalia waxaa ka gows adeegay mucaaradka.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si wey isku hayo dhinacyada siyaasadda, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada wada-hadallada u bilaabanaya dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

