Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Khamiistii si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa maanta sameeyay magacaabistiisii ugu horreysay ee la xiriirta dhismaha maamulkiisa.
Sheekh Aadan Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed u magacaabay agaasimaha KMG ah ee madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyada oo la faray inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla.
“Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed U-Magacaabay Agaasimaha ku Meel Gaarka ah ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri digreetada kasoo baxday xafiiska Aadan Madoobe.

Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Aadan Madoobe uu sameeyo magacaabisyo cusub oo la xiriira hay’adaha maamulka, sidoo kalena uu soo dhiso golihiisa wasiirada.
Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa marka xilka la wareegayay munaasabadda ka sheegay inuu dardargelinayo waajibaadka loo doortay, isaga oo sidoo kale hoggaamiyihii kumeel-gaarka ahaa ee xilka ku wareejiyay uga mahadceliyey shaqadii iyo dadaalkii uu geliyey xilliga kala guurka ee Koonfur Galbeed.
Si kastaba, ha’ahaatee, Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

