27.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Deni oo ku dhawaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda kala dhexeysa DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka baarlamaanka maamulkaas ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeyso Dowladda Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan oo kale, ayna galayso heshiisyo caalami ah, sida uu ku caddeeyay khudbaddiisa.

Madaxweynaha Puntland oo soo daliishaday qodobo kamid ah dastuurka maamulkaas iyo kan Federaalka ayaa xusay in Puntland ay xaq u leedahay inay ka faa’iideysato khayraadkeeda dabiiciga ah, ayna soo saaraneyso.

“Dowladda Puntland weli kama quusan kamid ahaanshaha dowladnimo Soomaaliyeed oo Federaal ah, laakiin inta laga helayo dhismo dowlad heshiis lagu yahay, sida uu qabo qodobka 4-aad iyo qodobka 54-aad ee dastuurka Puntland iyo qodobka 44-aad iyo qodobka 142-aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS, Puntland waxay xaq u leedahay in ay si madax bannaan uga faa’iideysato khayraadkeeda, ayna geli karto heshiisyo caalami ah,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa shisheeye iyo dalalka daneynayna inay ka faa’iideystaan khayraadka Puntland.

“Haddaba Puntland waxay soo dhaweyneysaa cid kasta oo rabta in ay maalgashato khayraadka ku jira dhulkeeda haddii ay tahay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa ajnabiga ah iyo dowladaha daneynayo inay Puntland maalgashadaan,” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala diray Soomaaliya, Isla markaana uu ku xadgudbay nidaamkii Federaalka ee heshiiska lagu lahaa, laguna duulay maamul goboleedyada dalka. Waxaa kale oo uu intaas ku daray  in Puntland ay si cad uga hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo dalka loo geysto, ayna ka dagaalamayso.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hannaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hannaankii federaalka iyo maamullada ka jira dalka, wuxuu horay duullaan hubeysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey magaalada Baydhaba, isagoo meesha ka saaray hannaankii maamul ee ka jirey Koonfur Galbeed, “ayuu yiri markale yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay kordhisay dhaqdhaqaaqeeda gudaha Puntland, isla markaana ay ka wado qorista ciidamo federaal ah oo ka howlgala deegaannada maamulkaas, si ay saameyn ugu yeelato halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News