Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Khamiistii xayiraado cusub oo dhinaca dal-ku-galka ah ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii uu sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan ugala shaqeyn dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda sida sharci-darrada ah ku jooga dalalka Yurub.
Go’aanka oo ka soo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa si toos ah u saameynaya codsiyada fiisaha muddada-gaaban ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya fiisaha dhowrka jeer lagu galo dalalka Schengen.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qiimeyn ay sameysay Guddiga Yurub lagu ogaaday in wada-shaqeynta Soomaaliya ee dib loogu celinayo muwaadiniinteeda aan sharciga ku joogin Yurub ay tahay mid aan ku filneyn.
“Dalalka ay dadku ka soo jeedaan waa inay gutaan waajibaadkooda, haddii kale cawaaqib ayaa ka dhalan kara,” ayuu yiri Magnus Brunner, Wakiilka Arrimaha Gudaha iyo Socdaalka ee Midowga Yurub.
“Go’aanka maanta wuxuu muujinayaa hawlgelin iyo go’aan dheeraad ah oo lagu gaarayo iskaashi wanaagsan oo dhinaca dib-u-qaabilaadda ah,” ayuu raaciyay.
Xannibaadaha cusub
Tallaabada cusub ayaa ka dhigan in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub aysan hadda muwaadiniinta Soomaaliyeed siin karin fiisaha dhowrka jeer lagu galo, oo loo yaqaan multiple-entry visa.
Sidoo kale, dalalka xubnaha ka ah ma fududeyn karaan shuruudaha caddeymaha looga baahan yahay dadka Soomaaliyeed ee codsanaya fiisaha, taas oo ka dhigan in codsadayaashu ay soo gudbiyaan dukumentiyo buuxa oo caddeynaya ujeeddada safarkooda iyo shuruudaha kale ee gelitaanka.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale meesha ka saaray dhaafitaanka khidmadda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa adeegga dowladda.
Muddada caadiga ah ee lagu baari jiray codsiyada fiisaha ayaa iyaduna laga dhigay 45 maalmood, halka markii hore ay ahayd 15 maalmood.
Go’aanka ayaa lagu sheegay mid ku-meel-gaar ah, balse Midowga Yurub ma uusan sheegin waqti rasmi ah oo uu ku egyahay. Golaha ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in Soomaaliya lagu dhiirrigeliyo inay hagaajiso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda.
Cadaadiska dib-u-celinta
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis ballaaran oo Midowga Yurub ku saarayo dalalka aan si buuxda ula shaqeyn marka la doonayo in dib loogu celiyo muwaadiniintooda ku sugan Yurub ee aan haysan sharci ay ku joogaan.
Midowga Yurub ayaa horay tallaabooyin la mid ah ugu qaaday dalal ay ka mid yihiin Gambia iyo Itoobiya. Xannibaadihii lagu soo rogay Itoobiya sanadkii 2024 ayaa laga qaaday bishii May ee sanadkan, kadib markii Midowga Yurub uu sheegay in Addis Ababa ay si weyn u hagaajisay iskaashiga dib-u-qaabilaadda.
Go’aanka ka dhanka ah Soomaaliya ayaa imanaya xilli Midowga Yurub uu si weyn u adkeynayo siyaasaddiisa socdaalka, gaar ahaan dib-u-celinta dadka codsiyadooda magangalyo la diiday iyo kuwa aan sharci ku lahayn dalalka xubnaha ka ah.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, hoggaamiyeyaal ka kala socda dalal badan oo Yurub ah ayaa taageeray qorshe lagu dhisayo xarumo dib-u-celin oo ku yaalla meel ka baxsan Midowga Yurub, si loogu diro dadka aan loo oggolaan inay sii joogaan Yurub.
Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale dhawaan meel mariyay sharci cusub oo fududeynaya masaafurinta dadka sida sharci-darrada ah ku jooga dalalka Midowga Yurub.
Saameynta Soomaalida
Go’aankan ayaa caqabad ku noqon kara muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay u safraan dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan ganacsatada, ardayda, dadka booqashada u taga qoysaskooda iyo mas’uuliyiinta heysta baasaboorrada diblomaasiga ama kuwa adeegga.
Inkasta oo tallaabadu aysan ahayn mamnuucid guud oo fiisaha Soomaalida ah, haddana waxay adkeyneysaa nidaamka codsiga, waxayna kordhineysaa muddada sugitaanka iyo culayska dukumentiyada laga doonayo codsadayaasha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan soo saarin jawaab rasmi ah go’aankan, kaas oo cadaadis cusub saaraya xiriirka Muqdisho iyo Brussels ee dhinaca socdaalka iyo dib-u-celinta muwaadiniinta.
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sii wadi doono qiimeynta horumarka ay Soomaaliya ka sameyso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda, taas oo ka dhigan in xannibaadaha laga qaadi karo haddii Brussels ay ku qanacdo isbeddel muuqda.

