Brussels (Caasimada Online) – Khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta dhaliilsan nidaamka siyaasadeed ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray meel fog, iyadoo arrintaasi dhalisay in lagu kala qeybsamo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dowladda federaalku uga lug yeelatay dhismaha ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo laga abaabulay deegaannada Puntland.
Kulankii Golaha Wasiirrada Puntland ee Khamiistii ayaa looga hadlay xaaladda amni ee kusoo korortay Puntland, iyadoo dood laga yeeshay tallaabada ku habboon ee laga qaadi karo ciidamada dowladda federaalku ku diyaarisay deegaannada Puntland. Waxaa la isla gartay in arrintaas laga galo difaac wadajir ah.
Siyaasiyiinta kasoo horjeeda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo maamulkiisa ayaa ku kala qeybsamay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Puntland, iyadoo qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ah ay arrintan u arkaan mid badbaadineysa Puntland.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa shalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Deni uu Puntland geliyey xaalad adag. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaq u leedahay inay ciidamo aan ka amar qaadan Puntland ka qorto deegaannada maamulkaas.
Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in dhaqaalaha laga qaato Muqdisho ee lagu siiyo ciidamada ku sugan Puntland ay ku nool yihiin shacabka Garoowe iyo deegaannada kale. Wuxuu intaas ku daray in, taas cagsigeeda, maamulka Deni uusan saddex bilood iyo ka badan wax mushahar ah siinin ciidamada kala duwan ee Puntland, kuwaas oo ku nool xaalado adag.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame, ayaa dhinaciisa uga digay qof kasta oo Puntland han siyaasadeed ka leh inuusan qeyb ka noqon dhibaateynta maamulka. Wuxuu mucaaradka ugu baaqay inaysan colaad usoo jiidin Puntland, halka xukuumadda Deni uu ugu baaqay inay ka shaqeyso midnimada.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ku baaqay in la iska qabto cid kasta oo ku howlan burburinta Puntland, isagoo far ku fiiqay hannaanka federaalka ee xilligan ka jira Soomaaliya.
Deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso, waxaa ku sugan oo lagu diyaariyey ciidamo ka amar qaata Guutada 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dowladda federaalku taliyahooda u magacowday Jen. Jimcaale Jaamac Takar. Waa sarkaal heyb ahaan kasoo jeeda gobolka Nugaal, awood xooggan ku leh Puntland, horayna dagaallo adag ula galay maamulka Madaxweyne Saciid Deni.

