Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay munaasabadda 26-ka Juun oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso marxalad adag iyo dhibaatooyin, balse ay barbar yaallaan fursado qaali ah iyo rajo ifaysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in toban sano ka hor shacabka Soomaaliyeed aysan si buuxda ugu dhiirran karin inay xusaan 26-ka Juun, balse maanta ay waddooyinka isugu soo baxeen 65 kun oo arday oo ka qalin-jabiyay dugsiyada hoose, iyo ku dhowaad 50 kun oo arday oo u fadhiistay imtixaanka dugsiyada sare. Wuxuu sheegay in arrintaas ay muujineyso fursadda maanta u soo hoyatay qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qaran iyo awooddiisa aan lagu dhisi karin hub iyo qori, balse lagu dhisi karo qalin iyo is-oggolaansho. Wuxuu si gaar ah uga hadlay qaranimada iyo gobannimada dalka, isagoo sheegay inay ku timid iska caabin iyo gumeysi-naceyb ay hormuud u ahaayeen dadka ka soo jeeda gobollada Waqooyi, kuwaas oo door weyn ka qaatay xornimada iyo dowladnimada Soomaaliya.
“Maanta oo qarniga 21-aad ah, dalal iyo dowlado ayaa is-doonaya. Marka ay ugu yaraato siyaasadda iyo dowladnimada halkeeda ha ahaatee, waxay ku haminayaan in dhaqaalaha iyo suuqyada la isku furo, nolol fiicanna kor loo qaado. Kala joogis marna annaga dan nooma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka hadlayay aragtida gooni-u-goosadka Somaliland.
“Waxaan rabaa, walaalayaal, wax kasta oo aad tirsaneysaan ama tabaneysaan, hore waan uga garaabnay, haddana inaan ka garaabno ayaan rabnaa. Kama daaleyno, kamana caajiseyno. Wax kasta oo ay dadkaasi tabanayaan, si ay uga calool-fayoobaadaan inaan sameyno kama daaleyno, kamana caajiseyno,” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin garowshiyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa, si uu bulshada Soomaaliyeed ugu baraarujiyo, soo qaatay aayadda 78-aad ee Suuradda Huud, taas oo Nabi Luud uu ku yiri qoomkiisii: “Miyaanay idinku jirin xataa hal nin oo caqli iyo garasho leh oo xumaanta idinka reeba, martidana iiga xishooda?”
Xasan Sheekh ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo dadka Somaliland u sheegay in fikirkii xornimada iyo midowga uu ahaa mid ay gaareen dad waxgarad ah oo xorriyad iyo gobannimo doonayay. Wuxuu sheegay in haddii dadaalkaas uu markii dambe ku dhammaaday xanuun, aysan bulshada Soomaaliyeed badankeed raalli ka ahayn wixii dhacay.
Wuxuu intaas ku daray in dad iyo shaqsiyaad xanuunkaas wax ku lahaa aysan maanta nooleyn, halka dadkii diidanaa tacaddiyada iyo wixii dhacay ay maanta joogaan, isla markaana ay doonayaan in dib loo xoojiyo midnimadaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in muddadii xileedkiisii koowaad iyo muddada hadda uu joogo uu aad u jeclaa, una dadaalay, in la sameeyo wax kasta oo bixin kara murugada iyo xanuunkaas. Si kastaba, wuxuu sheegay in aan weli lagu guuleysan xalinta mushkiladdaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda iyo qorshayaasha ay dowladda federaalka ka leedahay Somaliland lagu sameyn doono dib-u-eegis, si loo helo fikir iyo talo siyaasadeed oo walaalaha Somaliland ku qancin kara inay la midoobaan walaalahooda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay diidi doonaan wax kasta oo aysan u qalmin dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Waqooyi. Wuxuu sidoo kale ka tacsiyadeeyay hadallada aan wanaagsaneyn ee mararka qaar laga sheego dadkaas, isagoo sheegay in aysan u qalmin in sidaas loola hadlo.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in saddexda qaybood ee Soomaaliyeed ee weli ka maqan midnimada ay ku faraxsan yihiin yididiilada horumarka iyo rajada ka muuqata Soomaaliya. Wuxuu sheegay inay bogaadinayaan horumarka muuqda, ayna ku faraxsan yihiin rajada soo ifaysa.
Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun iyo maalinta 1-da Luulyo oo ku beegan maalmaha soo socda, isagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay adkeeyaan dowladnimadooda iyo midnimadooda.

