25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maxaa ka jira in Lafta-gareen uu dib u heshiisin la bilaabay DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, welina ku doodayo inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu dib u heshiisiin la bilaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada ay weli ciidamadiisa ka wadaan aaga Baydhaba.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo haatan ah dibad-joog ayaa beeniyay weerarkaasi, wuxuuna sheegay in aanu jiri qorshe dib u heshiisiineed oo la filanayo, sida uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisa.

Sidoo kale, wuxuu baaq u diray shacabka Koonfur Galbeed oo uu ka dalbaday in xogta saxda ah ee kala socdaan ilaha rasmiga ah, gaar ahaa xafiiskiisa iyo hay’adaha dowladda.

“Waxaan shacabka ugu baaqeynaa inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin saxnimadooda, isla markaana ay ku kalsoonaadaan oo kaliya warka iyo ogeysiisyada rasmiga ah ee kasoo baxay xafiiska rasmiga ah ee Madaxweynaha iyo hay’adaha rasmiga ah ee ay khuseyso,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Waxaa kale oo uu warsaxaafadeedka kusii daray “Faafinta warar aan xaqiiqo ku salaysnayn waxay horseedi karaan jahwareer iyo marin habaabin bulshada dhexdeeda ah. Sidaas darteed, waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dadka isticmaala baraha bulshada inay xaqiijitaan xog kasta kahor inta aasan faafinin”.

Lafta-gareen oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha ciidamada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda duleedka Baydhaba ayaa sheegay in dhankooda ay sii wadi doonaan howlgallada, isla markaana uu jeedka uu yahay inay soo celiyaan nabadda Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay Dowladda Koonfur Galbeed markale xaqiijinaysaa in ciidamada Booliska gaarka ay si wadi doonaan gudasha waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta amniga iyo difaaca shacabka, sugidda xasilloonida iyo dib usoo celinta nabadda dhammaan deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed,” ayaa mar kale yiri bayaanka uu soo saaray Cabdicasiis Lafta-gareen.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawana isbeddel uu ka dhacay magaalada Baydhaba, kadib markii doorashada Koonfur Galbeed uu kusoo baxay Hoggaamiye Aadan Madoobe.

- Advertisement -

Read more

Local News