Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo saaka booqasho ku tegay magaalada Beledweyne oo uu uga qayb-galay maalinta xorriyadda ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Fiqi oo intii uu ku sugnaa Beledweyne weeraray Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo xubnaha kale ee mucaaradka ayaa sheegay in naxariis ay tahay haddii ay maanta noolyihiin, kadib dagaalkii ay dhawaan magaaada Muqdisho kula galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Intaas kadib hadalka wasiirka ayaa dhaliyay caro xooggan, waxaana soo baxday warar sheegaya in Macawiiseyda Hiiraan ay is abaabuleen, iyaga ka xumaaday hadalkaas, isla markaana si weyn loogu baahiyay baraha bulshada in uu socda qorshe ay ku hor istaagayaan in Fiqi uu ka baxo magaaladaasi.
Hase’ahaatee, Wasiirka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo madax sare oo ka tirsan HirShabelle ayaa ugu dambeyn si nabad uga soo kicitimay halkaasi, kadibna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay wararka baahay ayaa beeniyay, wuxuuna tilmaamay in Beledweyne ay tahay magaaladiisa, uuna ka shaqeynayo hormarkeda.
“Waxa igu hareereysan waa Xawaadle, HirShabelle oo dhan ayaa ila socota si nabad ah ayaana ku duuleynaa,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Magaaladan waa magaaladaydii waxaasna waa hadallo raqiis ah magaaladan sidii ay ku hormari lahayd, dalkaana ku hormari lahaa baan ka shaqeyneynaa”.
Dhinaca kale, waxaa mar kale soo hadlay Cabdullahi Sanbaloolshe oo jawaab siiyay Wasiirka Gaashaandhigga, isaga oo tilmaamay in hadalkiisa uu caddeyn u yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay bannaysteen dhiigooda”.
“Cabsi ma jebiso dad horay u bartay adkeysi Hadalka ay ka muuqato fulaynimadu ee Axmed Macallin Fiqi oo ah in nala dilo aniga, madaxda kale iyo duubabkii dhaqanka ee nagula weeraray xaafadda Barmuudo 3-4 bisha june, si naloo qaarajiyo, balse uu ku tilmaamay in ay “naxariis” tahay in aan weli nool nahay oo ay ahayd in nala dilo.” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.
“Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xil-gaarsiinta, waxa uu caddayn u yahay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay bannaysteen dhiigeenna, si ay noo cabsi-geliyaan oo ay xukunka sharci-darro kusii joogaan. Marnaba nalagu cabsi-gelin kari maayo. Waxaannu hore u soo marnay oo uga adkaanay rajiimyo ka adag kan. “Qofka bartay sida loo dhinto, wuxuu illoobay sida addoon loo noqdo.” Cabsi ma jebiso dad hore u bartay adkaysiga”.

