Caabudwaaq (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta magaalada Caabudwaaq ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelanayso hay’adda NISA, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo awoodda amni ee gobolka Galgaduud.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka socota Dowlad-Goboleedka Galmudug, kuwaas oo si wadajir ah u taageeray hirgelinta xaruntan cusub ee ciidamada.
Taliyaha NISA ayaa sheegay in xaruntan ay muhiim u tahay sugidda amniga deegaannada waqooyiga Galgaduud, isla markaana ay kaalin weyn ka qaadan doonto la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah xasilloonida gobolka.
Intii uu ku sugnaa Caabudwaaq, Taliyuhu wuxuu sidoo kale kulammo wadatashi ah la qaatay masuuliyiinta deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo diiradda la saaray xoojinta amniga iyo wada shaqeynta hay’adaha ammaanka.
Kulamadaas ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira, iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shacabka si loo gaaro nabad waarta oo ka hanaqaadda gobolka.
Intaas kadib, Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo wafdigiisa ayaa usii gudbay degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kula kulmayo mas’uuliyiin iyo odayaasha dhaqanka.
Booqashada Xeraale ayaa qayb ka ah socdaal shaqo oo uu Taliyuhu ku marayo deegaanno ka tirsan Galgaduud, kaas oo lagu xoojinayo amniga iyo is-dhexgalka hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.




