25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay muwaadiniin Soomaali ah + Magacyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta maandooriyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaanka, saddexda qof ee la toogtay ayaa lagu eedeeyay inay si qarsoodi ah gudaha Sacuudiga u geliyeen maandooriye, gaar ahaan xashiish, iyagoo ka soo gudbay xuduudaha dalka. Sacuudiga ayaa sheegay in maxkamadaha dalkaasi ay ku heleen dambiyada loo haystay, kaddibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Magacyada saddexda nin ee la toogtay ayaa kala ah: Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan. Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in dhammaan eedeysanayaashan ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu helay falal la xiriira tahriibinta maandooriyaha.

Fulinta xukunkan ayaa ka dhacday gobolka Najraan ee koonfurta Sacuudi Carabiya, kaas oo xuduud la leh dalka Yemen. Qoraalka ay baahisay dowladda Sacuudiga ayaa tilmaamaya in raggan lagu qabtay deegaanno buuraley ah oo ku dhow xadka, xilli ay isku dayayeen inay gudaha dalka geliyaan walxaha maanka dooriya.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer waday olole adag oo ka dhan ah ka ganacsiga iyo tahriibinta maandooriyaha, iyadoo mas’uuliyiinta dalkaasi ay marar badan ku celiyeen in qof kasta oo lagu helo dambiyadaas la marsiin doono ciqaab adag oo waafaqsan shuruucda dalka.

Xeerarka uu ku dhaqmo Sacuudiga ayaa ka mid ah kuwa ugu adag dunida marka ay timaaddo dambiyada la xiriira maandooriyaha, waxaana dadka lagu helo dambiyada qaarkood lagu xukumaa dil, kaddib marka ay maraan heerarka kala duwan ee garsoorka dalkaasi.

Xabsiyada Sacuudi Carabiya waxaa ku xiran ajaaniib badan oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku galeen dalka, halka kuwo kale loo haysto dambiyo la xiriira maandooriyaha iyo falal kale oo ciqaabo adag ay ka yaallaan.

Dilalkan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowladda Sacuudigu sii xoojinayso tallaabooyinka ka dhanka ah tahriibinta iyo ka ganacsiga walxaha maanka dooriya.

- Advertisement -

Read more

Local News