25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid go’aankii Cirro uu safaarad uga furay Qudus

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ah ee Kaah ayaa si adag uga horyimid safaaradda ay Somaliland sheegtay inay dhawaan ka furtay magaalada Qudus, taas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed oo xooggan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Kaah, Ambassador Barkhad Maxamed Kaariye oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro inay ku deg-degayso go’aanno siyaasadeed oo waaweyn.

Xoghayaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in heshiisyada iyo tallaabooyinka diblomaasiyadeed ay noqdaan kuwo dhameystiran oo aan ku koobnayn qodobo kooban oo aan caddeyn buuxda lahayn.

Amb. Barkhad ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga Kaah uu ka digayo in xukuumaddu ay “meel madow la gasho masiirka umadda”, isagoo tilmaamay in arrimaha noocan ahi ay yeelan karaan cawaaqib siyaasadeed oo fog.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan si rasmi ah uga furtay safaarad magaalada Qudus, taas oo noqotay mid ka mid ah tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee ugu muranka badan ee ay qaaday Somaliland muddooyinkii u dambeeyay.

Xisbiga Kaah ayaa sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso isbeddel siyaasadeed oo aan isku xiranayn, isagoo ku tilmaamay hadallada xukuumadda qaar ka mid ah kuwo iska hor imanaya, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga.

“Xukuumaddu iyadaa hore u sheegtay in jihaadku ku wajahan yahay Qudus, maantana waxay qaadday tallaabo kale oo ka duwan. Tani waa jahawareer siyaasadeed oo muuqda,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna dhawaan ku baaqay in si taxaddar leh loo eego heshiisyada siyaasadeed ee la galayo, xilli uu sheegay in dunidu ay marayso isbeddello waaweyn oo saameyn kara xiriirrada caalamiga ah.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, Muuse Biixi ayaa sheegay in la arkayo isbeddelka ku yimid awoodaha dalalka Muslimka ah sida Iran, Pakistan, Turkiga, Masar iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo uu tilmaamay in ay suuragal tahay inay si istaraatiji ah isu soo dhowaadaan mustaqbalka.

Waxa uu intaas ku daray in xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ay saameyn weyn ku yeelan karaan nidaamka caalamiga ah, isla markaana aan la dhayalsan karin cawaaqibkooda siyaasadeed.

Muuse Biixi ayaa ugu dambeyn ku boorriyay hoggaanka hadda haya talada Somaliland in ay si qoto dheer uga fiirsadaan heshiisyada caalamiga ah, si aanay waxyeello uga soo gaarin masiirka siyaasadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News