25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Beesha caalamka oo farriin kama dambeys ah u dirtay Xasan iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa farriin kama dambeys ah u dirtay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, sidii loo furi lahaa wada-hadal siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, si xal loogu helo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wakiillo ka socda beesha caalamka ayaa farriimo gaarsiiyay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo ku saabsan diyaar-garowga wada-hadallo la filayo inay qabsoomaan toddobaadyada ugu horreeya bisha Luulyo.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa la sheegay inay diiradda saarayaan sidii miiska wada-hadalka loogu keeni lahaa dowladda iyo mucaaradka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira khilaafaadka siyaasadeed iyo muranka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyada dhex-dhexaadinta wada ay aqbaleen in Golaha Mustaqbalka uu noqdo dhinaca si rasmi ah u matalaya mucaaradka Soomaaliya ee wada-hadalka la galaya Dowladda Federaalka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, beesha caalamka ayaa Madaxtooyada Soomaaliya u caddeysay in dowladda ay xor u tahay inay la kulanto ama wada-hadal la yeelato siyaasiyiin kale oo ay dooneyso, hase yeeshee wada-hadallada rasmiga ah ee lagu raadinayo xal siyaasadeed ay si gaar ah u dhex mari doonaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Qorshahan ayaa lagu doonayaa in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay dhammaadka muddo-xileedyada hay’adaha dowladda iyo khilaafaadka la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qayb ka noqon doono wada-hadalladan, inkastoo uusan si rasmi ah uga mid ahayn siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka.

Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn u dhaliilayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo dhowr jeer la soo muuqday qaar kamid ah hoggaannada mucaaradka, xilli uu muddo ku dhaqmayay mucaaradad gooni u socod ah oo ka madax-bannaan isbahaysiyada mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News