Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor la hadlay weriyaasha, isagoo kulan la yeeshay xoghayaha guud ee NATO, wuxuuna ku dhawaaqay inay dhammaatay xabbad-joojintii iyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee Mareykanka uu kula jiray Iiraan, kadib duqeymo culus oo labada dhinac is-waydaarsadeen.
Markii wax laga weydiiyay xabbad-joojinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iran, Donald Trump wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay dhammaatay.”
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay shirkii NATO: “Ma doonayo inaan mar dambe la macaamilo iyaga, waa dad aan wanaagsanayn.”
Wuxuu intaas ku daray: “Aniga aragtidayda, way dhammaatay. Waa waqti lumis in lala macaamilo iyaga, waa beenaalayaal.”
Trump wuxuu sheegay in wadaxaajoodyada labada dhinac ay “wada hadli karaan”, laakiin ay “waqtigooda iska luminayaan.”
“Runahaanti, ma doonayo inaan waqtigayga ku lumiyo iyaga,” ayuu intaa ku daray.
Dhankeeda Iiran ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay ballaarinayso weerarrada ka dhanka ah saldhigyada Mareykanka ee ku yaal Bariga Dhexe , iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka lagu sheegay Mareykanka inuu mas’uul ka noqon doona cawaaqibka ka dhasha xadgudubyada uu si joogto ah oo cad ugu sameeyay xabbad-joojinta, kadib markii Mareykanka uu duqeymo saacadihii u dambeeyay ka fuliyay gudaha Iiran,sida ay werisay Al Jazeera.
Dhinaca kale Diyaarad sidday Madaxweynaha Iiraan Pezeshkian ayaa si degdeg ah uga duushay Najaf, Iraq, kuna laabatay Iiraan, xilli Mareykanku duqeymo culus ka wado dalkaasi.
Waa duqeymihii ugu ballaarnaa labada dhinac isku qaadaan tan iyo markii a gaara heshiiska xabad joojinta oo hadda soo dhammaaday.

