Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshiroow oo sheegay dowlado shisheeye inay taageerayaan dhaq-dhaqaaqyo uu sheegay in lagu kala qeybinayo bulshada ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose.
Abshiroow ayaa si toos ah ugu eedeeyay taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdalla Cabdalla inuu yahay qofka loo soo wakiishay abaabulka kooxo hubeysan iyo dhismaha maamul ka madax-bannaan maamulka Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inay dhaqaale iyo taageero kale ku bixineyso abaabullo ka socda magaalada Marka iyo deegaanno kale oo gobolka ka tirsan.
“Kooxaha fidnada hurinaya, Xamar waxaa u jooga Jeneraal Cabdalla Cabdalla, oo ah taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliyeed. Isaga ayaa markii horeba fidnada bilaabay, isaga ayaana huriyay, dowladda federaalkana waan la wadaagnay,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullahi Cumar Abshiroow.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ah taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska iyo madaxa laanta gaarka ah ee Booliska, isaga oo loo magacaabay sannadkii 2024, kaddib markii uu horay xilal sare uga soo qabtay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya.
Cabdalla Cabdalla oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-giisa ayaa beeniyay eedeymaha uu u jeediyay guddoomiye ku xigeenku, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray mas’uulkaasi.
“Beenin eedaha war-Suuqiga ah ee Xildhiban Abshirow: Waxaan aad uga xumahay eedaha uu Xildhibaan Abshirow u jeediyay shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose. Waa arrin laga xumaado in shacabka deegaanka lagu tilmaamo maleeshiyaad, iyadoo la wada ogyahay doorka muuqda ee ay ka qaataan difaaca dalka iyo garab istaagga Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaa sidoo kale, si rasmi ah u beenaynayaa eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn ee hadafka qaldan laga leeyahay inay yihihiin waxba kama jiraan”.
Jeneraalka oo hadalkiisa sii wata ayaa isna Abshiroow ku eeeeyay inuu hora ula soo shaqeeyay Al-Shabaab, hadana uu rabo inuu dhibaato ka abuuro deegaanka, isaga oo iska horkeenayo bulshada deegaanka.
“Waa nasiib darro in kuwii hoos khawaarijta kala shaqayn jiray ee dadka iyo dowladda isku diri jiray ay Weli shaqadoodii u xiiso qabaan, lkn waxaa Allah mahadiis ah in waqtiga ka hiiliyay, dadka iyo dowladduuduna Maanta ul iyo diirkeed yihiin,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.

