Laasaanood (Caasimada Online) – Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa goordhow qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) oo kamid ahayd xubnaha Golaha Wakiilada maamulkaasi, taas oo xalay ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii Baarlamaanka ee ay beesheeda ku meteleysay, sdoo kalena caddeysay inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn oo ay usoo dagaalantay.
Kulan deg-deg ah oo ay Xildhibaanadu maanta ka yeesheen arrinta Fahiima Quuje ayaa waxa ay ku sameeyeen maamuus ka xayuubin, kadib eedeyn uga timid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari.
Fahiima oo ku eedeysan dambi Qiyaano Qaran ah ayaa xasaanadda in laga qaado waxaa ogolaaday illaa 56 Xildhibaan, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr Aadan Cabdullahi Aw-Xasan.
Tallaabada deg-deg ah ee uu qaaday Baarlamaanka ayaa daba socotay codsigii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari oo horay u sheegay in Fahiima Quuje ay ku socoto baaris, isla markaana laga gudbiyay dacwad xasaanad ka qaadis ah, balse markii ay ogaatay ay u baxsatay dhanka Somaliland, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Xeer Ilaalinta.
Sidoo kale, waxaa qoraalkaas lagu xusay in la qorsheeyay in maanta oo ah 18 July 2026 la maxkamadeeyo, si loo guda galo kiiskeeda, balse ay ka carartay deegaanka, maadaama ay xalay ku dhawaaqday inay ku biirtay maamulka Somaliland oo ay horay ula gashay dagaal adag oo uu ku daatay dhiig fara badan.
Go’aanka ay qaadatay Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hada-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka.
Waxaa kale oo Fahiima si weyn loogu xasuustaa kaalintii ay ku lahayd dagaalkii Goojacadde, oo ahaa dagaal sababay in ciidamada Somaliland laga saaro gobolka Sool.
Si kastaba, Fahiima ayaa la sheegay in haatan ay ku wajahan tahay magaalada Hargeysa, halkaas oo la filayo in si weyn loogu soo dhaweeyo, iyadoo dib ugu biireysa maamulka Somaliland.

