26.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Somaliland oo sheegtay inay cafis u fidisay FIRDHIYE

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) oo ka hadlay soo dhaweynta ay u sameeyeen Fahiima Yuusuf Cabdullahi Quuje oo maanta ku laabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay cafis guud u fidiyeen Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye.

Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan shacabka reer Sool ay cafis yihiin, isla markaana ay soo dhaweyneyso dowladdooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Firdhiye waxaan leenahay cafis ayaa tahay waan kusoo dhaweyneynaa shacabka reer Sool ee Somaliland waddankooda iyo guryahooda ayay imaanayaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland.

Sandheere ayaa intaas ku daray in cid kasta oo kusoo laabaneysa Somaliland aan loo haysan dambi, isla markaana gacmo furan lagu soo dhaweynayo.

Dhankeeda Fahiima Yuusuf Quuje oo goobta ka hadashay ayaa sii xoojisay hadalka wasiirka, waxayna sheegtay in dadkeeda aanu dambi ka gelin Somaliland, balse ay yihiin dad tabasho ku maqan oo la dulmiyay.

“Gabar Reer Somaliland oo lagu kalifay Tuutaha in ay gashato oo dulmi iyo gardarro lagu sameeyey baan ahaa, waxaan cadeynayaa qof reer Sool ah oo dambi leh in uusan jirin, Dowladdii SL ee aan dhisanay oo aan dastuurkeeda qornay iyo canshuur bixiyaha ka aheyn ayaa noo geysatay ficil kasta oo lamid ah intii Burco iyo Berbera kacaankii ka geystay ee madax banaanida nagu riixday,” ayay tiri Fahiima Quuje markii ay degtay magaalada Hargeysa.

Dhawaan Maamulka Waqooyi Bari ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa dhankiisa horyimid tallaabada ay qaaday Fahiima Quuje oo horay u shaacisay inay ka laabatay aragtidii Soomaali weyn, iyada oo xasaanaddii lagala noqday, kadibna lagu eedeeyay qiyaano qaran, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Waqooyi Bari.

Si kastaba, Go’aanka Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hadal-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka, balse hadda la kaabatay fikirkeedii hore, kuna noqday deegaannada Somaliland

- Advertisement -

Read more

Local News