30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Dhageyso: Xildhibaan geriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Allah ha u naxariistee Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada  dalka Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Maxamed Isloow, oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia

Xildhibaanka ayaa Mudooyinkanba waxaa lagu Baxnaaninayay Cusbitaal Ku yaala magaalada Nairobi iyadoona ugu dambeyn uu u geeriyooday Xanuunkii hayay.

Fadhi Maanta ay yelan lahaayeen Mudanyaasha Baarlamaanka Somalia aya baaqday sabab la xiriirta Geerida Xildhibaanka , waxaana ka tacsiyadeeyay Geeridiisa Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdala Cawad, iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay Geerida Marxuum Cumar Islaaw, waxay ku sheegeen inuu ahaa halyeey daacad ahaa .

Halkaan ka dhageyso Xildhibaanada iyo Gudoomnka Baarlamaanka

Halkaan Hoose ka Xildhibaanada Baarlamaanka

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News