25.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Wafti ka socda ETHIOPIA oo Muqdisho u tagaya dhameyntii wixii ay billaabeen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Saacadaha Soo aadan lagu wadaa inay Muqdisho Soo Gaaraan Wafdi ka socda dowlada Ethiopia oo qeyb ka qaata Xiritaanka Shirka Jubbooyinka ee halkaasi ka socda

Ujeedada waftiga Ethiopia ayaa lagu sheegay ogaanshiyaha Qodobada ay kala saxiinayanaan  dhinacyada ka qeyb galaya shirka, Maadaama Ethiopia ay laheyd Fikrada Shirkan .

Dhinaca kale Xukuumada Somalia ayaa Ergada Shirkaasi ka dalbatay Dhaqan Gelinta Qodobada lagu Heshiiyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha  iyo Amniga qaranka Xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed,  wuxuu sheegay in Galabta uu Shirku soo dhamaan doono Isla markaana la isku diyaarinayo wixii galabta ka dambeeya Shirka Wajigiisa Labaad ee Kismaayo ka dhici doono dhowaan .

Shacabka Dega Gobolada Jubbooyinka ayuu Wasiirku ka dalbaday inay Taageeraan Qodobada ka soo baxa  iyo Heshiisyada kasoo baxa Shirkaas Si codaalada Jubbooyinka looga Gudbo.

Shirka Lagu wado in galabta lagu soo gabagabeeyo Muqdisho ayaa waxaa la filayaa inuu Soo Xiro Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Sida qorshuhu uu yahay .

Waxaa Jira Shirar Kan Muqdisho looga Soo hor jeedo oo Beelaha qaar ay ku qabanayaan Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada dalka Sida Beydhabo.

Beelaha qaar ayaa saluugsan qaabka shirka iyo Habka loo soo Xulay Ergada shirkaasi ka qeyb galaya waxaana ay sheegayaan in beel gaar ah loo hiiliyay .

Xog Hoose oo ay Heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Duhurnimada Maanta uu Muqdisho ka Dhici doono Shir Qaar ka mid Beelaha Jubbooyinka ay yeelanayaan kaas oo loogha soo horjeeda Shirka Maalintii Seddexaad maanta galay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News