Muqdisho (Caasimada online) Sida warar aan heleyno ay sheegyaan waxaan maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ay kala hogaaminayaan wasiirada arimaha dibada dalalka Kenya iyo Ethiopia oo deris la ah Somalia.
Wafuudan ka kala socota Kenya iyo Ethiopia ayaa qeyb ka noqon doona dhameystirka Shirka arimaha Jubbooyinka iyo Gedo .
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay muqdisho u yimaadeen inay wax ka ogaadaan waxa labada dhinac ee Maamulka Jubba iyo dowlada Somalia ay ku wada heshiisheen mudadii Seddexda maalin aheyd oo ay kulan sanaayeen .
Dowlada Ethiopia ayaa laheyd fikrada shirarka Muqdisho iyo Kismaayo ee lagu dhameynayo xiisada ka taagan Jubbooyinka iyo Gedo , iyadoona qeyb ka ah siyaasada dhismaha Maamulka Jubba ee KMG ah .
Sidoo kale dowlada Kenya ayaa ciidamo waxay ka joogaan Somalia waxaana sidoo kale ay qeyb ka tahay Siyaasada dhismaha Mamulka jubba iyadoona la sheego in Axmed Madoobe ay Gadaal ka riixeyso .
Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa faraha kula jira siyaasada Somalia gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo , waxaana lagu wadaa in Galabta si rasmi ah Shirka Muqdisho ee aayaha Jubbooyinka iyo Gedo in lasoo gaba gabeeyo.
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com