31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Axmed Madoobe iyo xubnihii la socday oo ka baxay shirkii Jubbooyinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in xubnihii uu watay hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba Axmed Maxamed Islaam in ay ka baxeen halka ay ka socoto xafladda gunnaadka shirka arrimaha Jubbooyinka.

Arrintan ayaa timid markii la arkhriyay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii ka socday magaalada Muqdisho ee looga hadlaayay aayaha Jubbooyinka.

Xafladda oo ka socota xarunta nabad sugida ee Habar Khadiijo ee degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa ku sugan madaxda dowladda oo uu ku jirro madaxweynaha, diplomaasiyiin, xubno ka socda QM iyo ergada ka qaybgashay shirka.

Axmed Madoobe iyo ergada ka socotay ayaa xafladda isaga baxay markii lagu dhawaaqay in lagu saxiixo shirka Dowladda,IGAD iyo QM, lagana bixiyay Axmed Madoobe.

Markii arrintaas lagu dhawaaqay buuq ayaa dhacay, balse waa la xaliyay hadda, oo dib ayaa loo soo celiyay Axmed Madoobe iyo xubnaha la socoday.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Shabakadda Caasimad Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News