31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dagaal ka socda duleedka Jowhar Xilli Madaxweynaha Somalia uu kusii jeedo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada online) Wararka ka imaanaya duleedka dhanka bare ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi uu iminka ka soconayo dagaal toos ah oo u dhexeeya beelo halkaasi wada dega.

Inkastoo aan wali si rasmi loo ogeen khasaaraha dhabta ah ee dagaalka, hadana dadka deegaanku waxay soo sheegayaan in dagaalku uu yahy mid aad u xoogan hubka nuucyadiisa kala duwana labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Goob joogayaan ku sugan duleedka dhanka bari oo ah halka uu dagaalka iminka ka soconayo, inuu u dhexeeyo laba beelood oo gobolkaasi wada dega maal mihii ugu dambeeyayna ugaasri isku haya .

Dhanka kale garoonka diyaaraha ee magaalada Jowhar waxaa ku sugan Madaxda Maamulka gobolka Sh/Dhexe iyo kan degmada arday, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo AMISOM.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, inay gaaraan  Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo

Wariye ku sugan Jowhar oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay isla markaana magaalada iyo xurunta maamulka ay ka socoto diyaar garow ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa soo arki doonaa dhibaatada uu geestay wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay qaybo badan oo ah gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wadiga madaxweynaha ayaa la sheegay in ay wadaan gargaar la siinaayo dadka ku barakacay fatahaada wabiga.

 

Xafiiska Jowhar

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News