Jowhar (Caasimada online) Wararka ka imaanaya duleedka magalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe oo labadii maalin ee ugu dambeeyay ay dagaalo ku dhex marayeen maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada dega ayaa sheegaya in haatan ciidamo ka tirsan dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ay kala dhex galeen labada dhinac.
Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule Caqiil oo faah faahin ka bixinayay ciidamaada kala dhex galay labada dhinac ayuu sheegay inay ku guulees joojinta Xiisada halkaasi ka jirtay.
Wuxuu sheegay in haatan ciidamada dowlada ay kala dhex galeen labada dhina iminkana xaalku uu yahay mid aad u degan , waxaana uu sheegay in haatan ay isugu yeereen odayaal ka kala socda maleeshiyo beleedka dagaalka uu u dhexeeya si xiisada loo dejiyo isla markaana wax waliba wada hadal lagu dhameeyo.
Caqiil oo ka warbixinayay saameynta mudadii uu dagaalka socday ayuu sheegay in ay ila gubeen labada dhinac tuulooyin gaaraya ila Seddex tuulo , waxaana uu cadeeyay in khsaare intaasi ka badan inuu jiro
Dhanka kale Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka xoogga dalka ee kusugan Sh/dhexe Korneel Maxamuud Maxamed Koronto ayaa sheegay inay ciqaab marsiin doonaan hogaanka odayaasha beelaha dagaalamay maadama uu sheegay inay xabad joojinta jabiyeen.
Taliye Koronto waxa uu sheegay inay mar walbo iyagu isku dayeen sidii nabad ay ugu wada noolaan lahaayeen beelaha wada daggan halkaasi.
Labadii maalin ee ugu dambeeyay deegaano ku dhow magaalada Jowhar kuna beegan dhanka bari magaalada waxaa ka dhacayay dagaal u dhexeeyey Maleeshiyo beeleedyo gobolkaasi wada dega.
Halkaan Hoose ka dhageyso codka Gudoomiyaha degmada jowhar
Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdule
Caasimad online
Xafiiska Jowhar