Dagaal muddo saacad ku dhow socdey ayaa caawa ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada asluubta iyo koox dabley ah oo hubeysan. Rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen waxaa laga maqlay dhammaan xaafadaha magaalada Boosaaso.
Inkasta oo faah faahin dheeri ah aan arrintan laga haynin, waxaa hadana warar hordhac ah oo soo baxayaa ay sheegayaan in iska hor imaadkaas ay labo sarkaal ku dhinteen labo kalena uu dhaawac kasoo gaaray.
Mid kamid ah askarta geeriyootey ayaa ahaa taliye ku xigeenkii xabsiga, waxaa sidoo kale uu dhaawac fududi soo gaarey taliyaha xabsiga Shire Siciid.
Docda kale qaraxyo saddex ahaa iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlay jidka laamiga ah ee magaalada dhex mara iyo xaafadda biyo-kulule.
Isha: HM