Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarr habeenkii xaley lagu qaaday Hotelka Makah Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhintay weerarrka in ka badan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka dowladda.
Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mid ah sii hayihii safaaradda Soomaalida ee UK Marxuum Cabduqaadir Cali oo loo yaqiinay Dhuub.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ayaa isla xaley tegay Hotelka la weerarray oo ku yaalla wado muhiim ah oo ay maamusho dowladda Soomaaliya.
Waxaa inta uusan qaraxa dhicin oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qabtay gudaha Hotelka wiil dhallinyarro ah oo watay Computer Laptop.
Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkaas, waxaana hadda goobta ku sugan ciidamo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho