Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa ka warbixiyay dhaawacyo xaley la soo gaarsiiyay Isbitaalka kuwaasoo ku wax yeeloobay weerarrkii xaley lagu qaaday Hotel Al-Mukarrama.
Madaxa caafimaadka Isbitaal Madiina, Mrs Duniyo oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in afar qof oo dhaawac loo keenay Isbitaalka in ay geeriyoodeen saacadihii la soo dhaafay.
Waxaa kaloo ay sheegtay Isbitaalka Madiina in la keenay 30 qof oo ku soo dhaawacmay weerarrkii habeenkii xlaey lagu qaaday Hotel Makah Al-Mukarrama.
Isbitaalka ayaa hadda waxaa ku sugan ehalada dadkii wax ku noqday weerarrka iyo ciidamada dowladda.
Ilaa hadda marka la isku geeyo tirada dadka ku dhintay weerarrkii xaley waxa ay gaareysaa ilaa 9 qof, waxaana laga yaabaa in tirada ay intaas ka badato, sida ay lee yihin ilaha caafimaadka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho