25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shir ka dhan ah shirkii Jubooyinka ee Muqdisho oo maanta dhacaya, Xagee?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlaayo maamul u sameenta lix gobal oo ku yaalla Koonfur-Galbeed.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in magaalada maanta oo Sabti ah laga dareemayo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee shirka, waxaana magaalada ku soo qulqulaya ergooyin ka imaanaya magaalada Muqdisho.

Si kastaba, shirkan waxaa looga soo horjeeda shirkii ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay arrimaha Jubbooyinka, waxaana dabada ka riixaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiin caan ah.

Magaalada Muqdisho, waxaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay kulamo looga hadlaayo siddii uu ku qabsoomi lahaa shirkan oo gobalada maamulka loo sameenaayo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii ku soo kordha kala soco Wararka dambe haddii alle idmo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Afgooye

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News