25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Abwaan Soomaalida ku weyn oo caan ahaa ayaa ku geeriyooday London

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) Magaalada London ee dalka Britain, waxaa ku geeriyooday Allaha ha u naxariisto Abwaanka weyn ee  Sahal Macalin Ciise.

Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee London ayaa sheegay in abwaanka uu xanuusanayay muddooyinka dambe.

Allaha ha u naxariisto Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu caansan dalka Soomaaliya, waxaana uu sameen jiray heesaha afka Maayka ah.

Sahal Macalin Ciise (Midig) iyo Ibraahim Baafo (Bidix)
Sahal Macalin Ciise (Midig) iyo Ibraahim Baafo (Bidix)

Waxaa uu sameeyay heeso badan oo uu qaaday fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, waxaana uu caan ku ahaa HEESAHA HUBUROW.

Haddaba maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay halkan tacsi uga dirayaan ehelka iyo dhammaan dadka uu ka baxay marxuum Sahal Macalin Ciise gaar ahaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Caasimada Online

Xafiiska WararkaYurub

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News