32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Feysal C Waraabe oo ka qaybgalay shir looga hadlaayo Dimuquraadiyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) Magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga waxaa lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen axsaabta Social Democratic.

Shirkan  ayaa waxaa ka qaybgalay ilaa 163- xisbi oo ka socda waddamada caalamka, waxaana looga hadlay siddii dimuquraadiga looga hirgalin lahaa waddamada caalamka.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirka ay uga qaybgaleen si xisbi ah oo aysan uga qaybgalin si Somaliland ah.

Wuxuu sheegay in shirka looga hadlay kacdoonadii ka dhacay carabta, isagoo sheegay in dhammaan axsaabta ka hadlay shirka ay ku tilmaameen wixii ka dhacay waddamada carabta Sida Masar ay ahaayeen kuwa xoog ku yimid.

Mar wax laga weydiiyay wax yaabaha uu shirka ka sheegay , wuxuu sheegay in uu shirka ku arkay madax badan oo ka socday caalamka kuwaasoo uu sheegay xaaladaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay in ay u sheegeen madaxda uu la kulmay shirarka u billowday Maamulka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News