Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirkii horre ee dastuurka KMG ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa caawa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Maxaliga ee Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ra’iisal wasaaraha loo baahnaa mardhow in uu meesha ka tago maadama uu waayay kalsoonida Madaxweynaha, Golaha Wasiiradda iyo Midkii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.
Xoosh Jibriil Wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaraha looga baahan yahay in uu heshiis la galo Madaxweynaha, heshiiskaas oo wax kasta oo noqon kara kaddibna uu is-casilo.
Wuxuu sheegay in Raysal Wasaaraha uusan la jaan qaadi karin qorshaha dowladda ay rabto in ay gaarto muddada seddaxda sanno ee u dhimman.
“Arrinta ma ahan khilaaf madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, laakin howshii laga rabay ra’iisal wasaaraha ayaa ku timid gaabis marka sidaas darteed waa in uu meesha ka baxaa ra’iisal wasaaraha, markii hore madaxweynaha ayaa keenay Saacid meesha, waana laga qaadi karaa” ayuu yiri.
Waxaa la weydiiyay in xildhibaannada baarlamaanka ay la kala safteen labada nin? wuxuu sheegay in Xildhibaannada baarlamaanka aysan la kala safan doonin labada masuul.
Ugu dambeen mar wax laga weydiiyay hadal uu ra’iisal wasaaraha sheegay oo ah in Khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha uu yahay mid la xiriira Dastuurka.
Wuxuu sheegay khilaafka labada nin uusan ahayn mid dastuuri, waa mid siyaasadeen, waayo Raysal Wasaare Saacid wuxuu waayay kalsoonida Madaxweynaha iyo Golaha wasiirada, hadda waxaa u dhimman Baarlamaanka mana heli dooni sida ii muuqata ” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh Jibriil.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

